"Hadii Maayaradda La Taabto Waxa La Waayi Doonaa Kuraasi Badan Oo Ka Cirro Ugu Horeeyo" Xukuumadda Oo Hanjabaad Culus Ka Soo Saartay Dacwadda Xisbiga UCID [Xaasaasi]

0
Thursday 20th April 2017 14:14:48 in Wararkii Maanta by Madaxa Wararka
  • Visits: 1114
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Hadii Maayaradda La Taabto Waxa La Waayi Doonaa Kuraasi Badan Oo Ka Cirro Ugu Horeeyo" Xukuumadda Oo Hanjabaad Culus Ka Soo Saartay Dacwadda Xisbiga UCID [Xaasaasi]

    "Hadii Maayaradda La Taabto Waxa La Waayi Doonaa Kuraasi Badan Oo Ka Cirro Ugu Horeeyo" Xukuumadda Oo Hanjabaad Culus Ka Soo Saartay Dacwadda Xisbiga UCID Xaasaasi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Hadii Maayaradda La Taabto Waxa La Waayi Doonaa Kuraasi Badan Oo Ka Cirro Ugu Horeeyo" Xukuumadda Oo Hanjabaad Culus Ka Soo Saartay Dacwadda Xisbiga UCID Xaasaasi


Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horaysay ka hadashay Dacwadda ka dhanka ah Maayarada Gabiley iyo Berbera iyo xildhibaano kale oo ka baxay Xisbiga Ucid kuna Biiray xisbiga Kulmiye kuwaasi oo iminka dacwadooda ay gacanta ku haysa Gudida Diiwaangalinta Ururada Siyaasadda.


Jaamac Biin oo ka mid ah Golaha Wasiirada ahna Wasiir ku xigeenka Maamulka iyo Degmooyinka Gobolada ee Wasaaradda Arimaha oo warbaahinta la haday waxa uu sharaxayaa habka wax lagu bedeli karo waxaana uu yidhi. "Gudoomiye Cirro sharci hoosaadkii yaraa ee markii uu doorashada galayey uu bedelay dee hadii laysku qaadayo tan Iminka Ucid ay leeyihiin Maayaradaasi waxa ay waayayaan Xubinamadii iyo tii cirro ee dastuurka ku qornayd haduu bedelay xeerkii hoose ka Dastuurka dee muu bedelin markaa Sharciyadda ama dadka waa lagu wada qaadaa ama waa laga wada daayaa”



Sidoo kale Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arimaha Gudaha ee dhinaca maamulka Degmoyinka Jaamac Cabdilaahi Biin waxa uu ku hanjabay hadii la taabto raga Maayarada ah in la waayi doono Kuraasi badan oo Baarlamaanka ah kuna jiro Gudoomiye Cirro waxaana uu yidhi.


"Maanta maayaradu waxa ay marayaan halkii u danbaysay waa biyo qarka soo gaadhay Wakhti lays taandheeyo maaha hadiise taandho timaado kuraasi badan oo Baarlamaanka ah ayaa la waayayaa oo ay ka mid yihiin xildhibaanada ka wareegay, oo uu ka mid yahay gudoomiyaha baarlamaanka Naruuro hoose iyo mid sharci u noqon mayso xeer hoosaadkii uu ka bedelay arimaha yar yar laakiin waxa sax noqonaya Aas-aasiga dastuurka wax kasta oo ka hor imanaya inay yihiin waxba kama jiraan” ayuu yidhi Mudane Jaamac Biin oo ku hadlayey afka Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo xukuumadda Somaliland.

 

LATEST NEWS