[TOP NEWS] Bulshada Baraha Facebook Isticmaasha Oo Wasiir Cali Mareexaan Kawaanka Falanqeynta Wasiirada Saaray Iyo Qodobada Laga Sheegay Dabeecadaha Wasiirka

0
Thursday 20th April 2017 16:22:43 in Wararkii Maanta by Tafatiraha Guud
  • Visits: 2240
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [TOP NEWS] Bulshada Baraha Facebook Isticmaasha Oo Wasiir Cali Mareexaan Kawaanka Falanqeynta Wasiirada Saaray Iyo Qodobada Laga Sheegay Dabeecadaha Wasiirka

    [TOP NEWS] Bulshada Baraha Facebook Isticmaasha Oo Wasiir Cali Mareexaan Kawaanka Falanqeynta Wasiirada Saaray Iyo Qodobada Laga Sheegay Dabeecadaha Wasiirka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

[TOP NEWS] Bulshada Baraha Facebook Isticmaasha Oo Wasiir Cali Mareexaan Kawaanka Falanqeynta Wasiirada Saaray Iyo Qodobada Laga Sheegay Dabeecadaha Wasiirka



Hargaysa (Karin) Wasiirka wasaaradda hawlaha guud gaadiidka iyo guryeynta soomaaliland Mudane Cali Xasan Maxamed ( Cali Mareexaan ) ayaa bulshada reer soomaaliland ee sida joogtada ah u isticmaasha baraha caanka ah ee facebook waxay ku shaaciyeen sawir halku dhigiisa ay ku sheegeen [Wasiir Cali Mareexaan waa Mujaahid Aan godob siyaasadeed gelin].

Odhaahdan iyo sawirka wasiirka ayaa dad badan aragtiyo isku mid ah ay kaga jawaabeen aqoonta ay u leeyihiin iyo sidoo kale bulshada looga waramay dabeecadaha iyo dhaqanka wasiirku leeyahay, waxaana ay sheegeen bulshadani inuu yahay qof run sheeg badan oo daacad ah isla markaana aan cidna godob siyaasadeed iyo mid beeleedba aan ka gelin.


Sidoo kale wasiir cali mareexaan ayay bulshadu ku sifeysay masuul qawleh oo ku dhaciisu kor u qaaday magaciisa intii uu wasiirka ka noqday xukuumadda madaxwayne silaanyo, ilaa iyo haataan waxaa haysta baraha bulshada oo si wayn ugu faafay magaca iyo sawirka wasiir cali xasan maxamed cali mareexaan oo tan iyo saakaba bulshadu kala qaadaneeyn sawirkiisa .

Ugu dambeyntii wasiirada xukuumadda madaxwayne axmed maxamed maxamuud silaanyo ayaa lagu sheegaa inay yihiin kuwo aan daacad ka ahayn balanta iyo la dhaqanka bulshadooda ay u shaqeeyaan, waxaana bulshadu si wacan u kala baratay wasiirada xukuumadda haataan xilka haya iyagoo mid kastaba ku sifeeya balankiisa iyo axdiga uu la galo qof kasta oo muwaadin ah oo shaqo iyo arrimo gaar ahaaneed ay ka soo galaan, hase ahaatee wasiir cali mareexaan ayaa badanka isticmaala baraha bulshadu ku kalanto ee facebook isagoo bulshada reer soomaaliland la wadaaga arrimaha xidhiidhka iyo is xaal waraysiga halka wasiirada kale aanay qaban taleefankooda haddii shaqo looga baahdo .

Karin News
LATEST NEWS