Isku Shaandhaynta Madaxweyne Siilaanyo Oo Doorkan Ka Duwan Kuwii Hore + Nashqadda Cusub Ee La Isticmaalayo Iyo Masuuliyiinta Cusub Oo Dhinac U Badan Xog Xaasaasi Ah

0
Thursday 20th April 2017 18:07:18 in Wararkii Maanta by Madaxa Wararka
  • Visits: 2636
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isku Shaandhaynta Madaxweyne Siilaanyo Oo Doorkan Ka Duwan Kuwii Hore + Nashqadda Cusub Ee La Isticmaalayo Iyo Masuuliyiinta Cusub Oo Dhinac U Badan Xog Xaasaasi Ah

    Isku Shaandhaynta Madaxweyne Siilaanyo Oo Doorkan Ka Duwan Kuwii Hore + Nashqadda Cusub Ee La Isticmaalayo Iyo Masuuliyiinta Cusub Oo Dhinac U Badan Xog Xaasaasi Ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isku Shaandhaynta Madaxweyne Siilaanyo Oo Doorkan Ka Duwan Kuwii Hore + Nashqadda Cusub Ee La Isticmaalayo Iyo Masuuliyiinta Cusub Oo Dhinac U Badan Xog Xaasaasi Ah


Madaxweynaha Somaliland oo ku hawlan isku shaandhaynta iyo kala haadista xubnaha kula weheliya shaqada qaranka oo ay ugu badan yihiin xubnaha golaha wasiirada.


Arimaha xiisaha gaarka ah leh ee uu Madaxweynuhu isku shaandhayntan ku soo kordhiyey waxa ka mid ah in uu kar karaka waydaarinayo xubno lama taabtaan isku aqoonsaday sidoo kale waxa uu xilalka qaranka gaar ahaan wasiirada ku taxayaa badi rag dhalinyaro ah oo saaxadda siyaasadda xukuumadda iyo Kulmiye wax wayn ka bedeli doona.



Marka laga reego xubno faro ku tiris ah oo siyaasadda waayeel u ah inta badan masuuliyiinta la magacaabayo waxa laga soo xushay ardaaga dhalinyarada Somaliland waxaana ay noqonaysaa xukuumadii ugu horaysay ee tiro intaa leeg oo dhalinyar ah hadii ay rumawdo xogta ka soo baxaysa isku shaandhaynta madaxweyne Siilaanyo.


Xubno badan oo aan la filayn ayaa la sheegayaa in ay tareenka xukuumadda waydaaran doonaan walina lama soo saarin saadasha raga kuraasta waayi doona waana isku shaandhaynta xogteeda aad loo adkeeyey.
LATEST NEWS