Hambalyo Ku Socota Agaasimaha Cusub Ee Dalada DHalinyarada Heer Qaran ( Sonyo Umberalla), Eng Cumar Cismaan Miigane (Oom). Qalinka: C.S.F(Jeesto).

0
Thursday 20th April 2017 22:06:11 in Aragtida Dadweynaha by Xarunta Dhexe
  • Visits: 137
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hambalyo Ku Socota Agaasimaha Cusub Ee Dalada DHalinyarada Heer Qaran ( Sonyo Umberalla), Eng Cumar Cismaan Miigane (Oom). Qalinka: C.S.F(Jeesto).

    Hambalyo Ku Socota Agaasimaha Cusub Ee Dalada DHalinyarada Heer Qaran ( Sonyo Umberalla), Eng Cumar Cismaan Miigane (Oom). Qalinka: C.S.F(Jeesto).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hambalyo Ku Socota Agaasimaha Cusub Ee Dalada DHalinyarada Heer Qaran ( Sonyo Umberalla), Eng Cumar Cismaan Miigane (Oom). Qalinka: C.S.F(Jeesto).

DHambaal soo dhaweyn iyo isugu jira Hambalyo ayaa ay u dirayaan DHamaan Dhalinyarada gobalka Gabiley Agaasimaha cusubee dalada dhalinyarada heer qaran Ee Somaliland (Sonyo), Eng cumar cismaan miigane oo dhawaan daladu ay u garatey Agaasimaha fulinta iney u cumaamado.

 

DHalinyarada soo dhaweynaysay ayaa isugu jira Wax-garad, aqoonyahano, culimo, indheer-garad, saxafiyiin dhamaantood waxay ugu horeyn ku tiraabeen in Ilaahey xilkaa culusee dhalinyarada Somaliland cumar u xambaarey ku asturo Raxmaanku, Isaga ku dardaarey inuu dalada oo imika shaashadaha ka yara baxdey inuu boodhka ka soo jafo.

 

Dhinaca kale eng miigane waa Aqoonyahan bulshada la dhaqma dad-yaqaan ah , marerka qaarkood waa odey dhalinyaro, af-tahamo leh, kaftan-gal ah, aqoon-hadla, sidaa darteed kalsooni buuxda ayaan ku qabnaa inuu gudan karayo xilka loo igmadey ka aqoon ahaan iyo ka hibo ahaanba, waxa xusi doonta sooyaalka haddii Eebe xukmaayo.

 

Eng miigane boqolkiiba boqol waa halyey umadiisa, dhalinyaradiisa, iyo qarankiisaba u soo adeegay hadana u sii adeegi doona si bilaa turxaan ah waa sida aan ku hubno ama aan ku dooraney hogaamintiisa dhalinta, Inshaa Alaahu tacaalaa waxaan ku rajo weynahay inuu ururiyo dhalinyara Somaliland walaaltimadoodana mixwar u noqdo.

 

Gabagabadii waxaan ugu duceynanaa inuu Raxmaanku umadiisa u diro si uu habsami u guto hawlaha loo igmadey ama daladu deal-gareyso kuwaaso ku tacaluqa arimaha dhalinyarada iyo kobcinta ka hawl-galida himilooyinka, hiigsiyada, qarankani haloosiyayo ee ku adaan dhalinyarada, waxaanen Allaah Macak Guul iyo gobanimo shaqo wacan.

 

Qalinka: C.S.f (Jeesto)

Diplomatic Annalysis



LATEST NEWS