"Boqolkii Qof Ee Somaliland Ku Nool Labo Ka Mid Ah Ayaa La Doonayaa Inay" Abwaan Hure Walan Wal Oo Arimo Halis Ah Shaaca Ka Qaaday + Ardaydii Jaamacadaha Ayaa...

0
Friday 21st April, 2017 in Wararkii Maanta by Hargaysa Office
  • Visits: 217
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Boqolkii Qof Ee Somaliland Ku Nool Labo Ka Mid Ah Ayaa La Doonayaa Inay" Abwaan Hure Walan Wal Oo Arimo Halis Ah Shaaca Ka Qaaday + Ardaydii Jaamacadaha Ayaa...

    "Boqolkii Qof Ee Somaliland Ku Nool Labo Ka Mid Ah Ayaa La Doonayaa Inay" Abwaan Hure Walan Wal Oo Arimo Halis Ah Shaaca Ka Qaaday + Ardaydii Jaamacadaha Ayaa...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Boqolkii Qof Ee Somaliland Ku Nool Labo Ka Mid Ah Ayaa La Doonayaa Inay" Abwaan Hure Walan Wal Oo Arimo Halis Ah Shaaca Ka Qaaday + Ardaydii Jaamacadaha Ayaa...

Hargaysa (Karin) Abwaanka caanka ah ee hure walan wal ee ay walaalaha yihiin abwaanka caanka ah ee hadraawi oo warbaahinta la hadlay ayaa ka hadlay in waddanka somaliland aanu diyaar u ahayn shaqo abuur ay samaystaan waxaana isaga oo arimahaasi ka hadlaaya uu yidhi

"shaqadda dhulka ayaa laga soo saara ee shaqaddu samadda kama timaado shaqadu sida caadiga ah waxay ka abuurantaa dhulka dhulka somaliland sida uu u dhan yahay meel walba Nin baa leh wuu xidhan yahay waa serkal afar kanbani intii ay degi lahaayeenba nin baa leh" sida waxa yidhi abwaan hure walan wal.


Abwaanka ayaa ka hadlay ardayda kala duwan ee ku dhacay dhul la,aanta isla markaana ku soo beegmay iyada oo la kala xidhay xoolaha iyo dhulka meel kasta waxaana uu shaaciyay dareenka ardayda wuxuuna yidhi 

" wadooyinka waxa tuban inamadii jaamacadda ka soo baxay dee mushkiladu waxa weeye kii dibadana u soo caydhow marka waxa aan kala talinayaa xilku waa laba mid dadweynaha ayuu saaran yahay midna dawladda ayuu saaran yahay kan dadweynuhu waxba kama qaban karo waayo nina ka kici maayo dhulka uu ku fadhiyo Iyo dawladda oo dhulka dadka ka kicisa" Abwaan Hurre Walan Wal.

Abwaanka oo ka hadlaaya qaabka dadweynaha somaliland u hamiyaan ayaa waxa uu ku micneeyay inaanay isu naxariisan isla markaana qof walba uu ka fuudh yeelayo dantiisa gaarka ah isla markaana uu danta guud ka hor marinaayo dantiisa 

" 100 kii Qof ee Meel Jooga Somaliland Waxaa La Doonayaa In 2 Keliya Si Fiican u Noolaato taasina waa mid fool xumo ku noqonaysa isu gar gaarida iyo kala danbaynta shacabka is jecel ee somaliland ku nool" Hure walan wal.
LATEST NEWS