Xaalada Abaarta ee Degmooyinka Saba-wanaag iyo Cadaadley

0
Friday 21st April 2017 11:46:15 in Aragtida Dadweynaha by Xarunta Dhexe
  • Visits: 105
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaalada Abaarta ee Degmooyinka Saba-wanaag iyo Cadaadley

    Xaalada Abaarta ee Degmooyinka Saba-wanaag iyo Cadaadley

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaalada Abaarta ee Degmooyinka Saba-wanaag iyo Cadaadley Sida aynu wada ognahay waxaa dalka Somaliland ka taagan xaalada abaar ah oo aad u daran taasi oo sii laxaadsanaysa maalinba maalinta ka dambaysa. Hadaba Degmooyinka Saba-wanaag iyo Cadaadley oo Hoos yimaad Gobolka Maroodi-Jeex gaar ahaa Bariga Magalaada Hargaysa runtii waa laba Degmo oo dhul ahaan,

Dad ahaan iyo taariikha ahaanba aad u fac weyn kana tirsan degmooyinka ugu waaweyn ee dalkan Jamhuuriyada Somaliland.Iyadoo ay taasi jirtana Degmooyinka Saba-wanaag iyo Cadaadley waxa ay ka mid yihiin degaamada ay abaartu u sida weyn u saamaysay haday tahay dhinaca Biyaha iyo Baadka taasi oo ay weheliso xaalada nololeed ee dadka ku nool degmooyinkaas taasi oo gaadhay heerka ugu daran ee cunto yaraanta islamarkaan ay sababtay in Kumanaan dad ah oo ay boqolkii sagaashan 90% ay yihiin Caruur iyo Haween ay la soo daristo xaalada cuno yaar iyo nafo daro aad u darani Guud ahaana xaalada nafaqo darada iyo caafimaadka ee deegaankaasi ayaa ah mid aad u liidata una baahan in si deg deg ah looga jawaabo si wax looga qabto loona badbaadiyo nolosha bini'aadanimo ee deegaanadaasi .


Geesta kale xaladaasi hadii aan wax laga qaban waa mid sababi karta macaluul iyo gaajo in ay u dhintaa kumanaan dad ah oo caruur iyo dad waaweynba lehi Sida laga warqabna Degmooyinkani waxa ay ka mid yihiin Deegaanada aanay ilaa hada wax taakulo ah ama mucaawino iyo gargaar caalami toona aaan ka helin Haayada Caalamiga ah ee dalka ka hawl gal.

Hadaba ugu horayn ilaahay baynu baryaynaa in uu inaga dulqaado oo uun inaga soo furto abaarta baahsan guud ahaan Mar labaadka si xaaladaa bini'aadanimo wax looga qabto waxa muhiim ah in dawlada iyo Haayadaha ka shaqeeya gargaarka bini'aadanimo ay ka gaystaan gacan wayn si loo badbaadiyo nolosha qoysaska degan dhulkaasi


Mahadsanidin


Wa bilaahi Tawfiiq
Prof. Mohamed Geedi Chilal
LATEST NEWS