Hirdanka Siyaasadda Sadexda Xisbi Qaran Oo Curtay + Qorshaha Guusha Ee Kulmiye Iyo Shax Siyaasadeedka Yurub Lagu Nashqadeeyey Ee Waddani + Faysal Oo Ucid Baandhaynaya [Akhri]

0
21 April 2017 17:48 in Wararkii Maanta by Madaxa Wararka
  • Visits: 994
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hirdanka Siyaasadda Sadexda Xisbi Qaran Oo Curtay + Qorshaha Guusha Ee Kulmiye Iyo Shax Siyaasadeedka Yurub Lagu Nashqadeeyey Ee Waddani + Faysal Oo Ucid Baandhaynaya [Akhri]

    Hirdanka Siyaasadda Sadexda Xisbi Qaran Oo Curtay + Qorshaha Guusha Ee Kulmiye Iyo Shax Siyaasadeedka Yurub Lagu Nashqadeeyey Ee Waddani + Faysal Oo Ucid Baandhaynaya Akhri

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hirdanka Siyaasadda Sadexda Xisbi Qaran Oo Curtay + Qorshaha Guusha Ee Kulmiye Iyo Shax Siyaasadeedka Yurub Lagu Nashqadeeyey Ee Waddani + Faysal Oo Ucid Baandhaynaya Akhri


Hargeysa (KNN):- Waxa si rasmi ah Al-baabada loogu furay garoonka tartanka siyaasadda sadexda xisbi ee Doorashada Madaxtooyada oo qabashadeedu wakhti kooban ka hadhsan tahay waxaana xisbiyada qaranka mid kastaaba wataa shax siyaasadeed uu doonayo in uu ku hanto kuraasta Madaxweynaha iyo ku xigeenka ee dalka Somaliland.


Xisbiga Kulmiye waxa qorsheeyey nidaam suurta galin kara in uu ku guulaysto talada wadanka isaga oo sida saadaashu tahay kalsooni buuxda ka haysta inta badan shacabka Somaliland.



Waddani waxa uu safarki Yurub ku soo nashqadeeyey sawir gacmeed uu ku xisaabinayo codka Somaliland uu ku helayo isaga oo raad raacaya natiijadii Komishanku soo saaray ee dadka is diiwaangaliyey balse qorshahaasi ma aha mid uu cod badan ku helayo hadii uu ku dhaqaaqo xisaabtaasi khaldan.


Dhinaca kale xisbiga UCID ayaa samaynaya qorshe siyaasadeed oo ka duwan labada xisbi waxaana uu Gudoomiye Faysal baandhaynayaa siyaasadda xisbigiisa waxa uu keenaya siyaasiyiin magac leh iyada oo Cali Khaliif lagu xamanayo in uu noqonayo Gudoomiyaha ku meel gaadhka ah ee xisbiga ucid.


Ugu dambeyntiina Murrashaxa Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa bulshada reer soomaaliland ka kasbaday codkooda waxaana shacabku ka wada dheregsan yahay natiijada uu heli doono muuse biixi inaanay heli karin guddoomiye cirro iyo ciddii kale ee u tartamaysa doorashada madaxtooyada soomaaliland.


Karin News 

LATEST NEWS