[TOP NEWS] Gacan yare Xirsi Oo Ku Hungoobay Taageeradii Uu Ka Filayay Beeshiisa Iyo Miisaska Madhan Ee Uu Kala Kulmay Qaaradda Yurub

0
Friday 21st April 2017 18:26:32 in Wararkii Maanta by Tafatiraha Guud
  • Visits: 1262
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    [TOP NEWS] Gacan yare Xirsi Oo Ku Hungoobay Taageeradii Uu Ka Filayay Beeshiisa Iyo Miisaska Madhan Ee Uu Kala Kulmay Qaaradda Yurub

    [TOP NEWS] Gacan yare Xirsi Oo Ku Hungoobay Taageeradii Uu Ka Filayay Beeshiisa Iyo Miisaska Madhan Ee Uu Kala Kulmay Qaaradda Yurub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

[TOP NEWS] Gacan yare Xirsi Oo Ku Hungoobay Taageeradii Uu Ka Filayay Beeshiisa Iyo Miisaska Madhan Ee Uu Kala Kulmay Qaaradda Yurub


Finland (Karin) Hogaamiyaha xisbiga waddani Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa todobaadyadii la soo dhaafay waxaa uu booqanayay dalalka ku yaala qaaradda yurub isagoo safarkiisa ay ku wehelinayeen mulkiilaha xisbiga waddani iska leh iyo qaar ka mid ah qoyskiisa dhaxal sugayaasha ah .

Sidoo kale mudane xirsi ayaa hungo iyo miisas madhan kala kulmay beelaha habar jeclo ee ku nool qurbaha ka dib markii uu ka helay casuumado khaas ah oo lagu waynaysiinayo magaciisa balse dalka kasta oo uu beeshiisa habar jeclo kala kulmay waxaa ay u sheegeen inaanay kala sinayn waxa uu xisbiga waddani ka aaminsan yahay balse beeshu tahay xisbiga kulmiye iyo sidii loo soo saari lahaa murrashaxa xisbiga kulmiye mujaahid muuse biixi cabdi .


Dhinaca kale hogaamiye xirsi ayaa dalka soomaaliland gudihiisa ku waayay taageero beelaha habar jeclo uu xisbiga waddani ugu raadinayo inay u codeeyaan doorashada soo socota balse wacad ka maray inaanay xisbiga waddani wax siyaasad ah beeshu la galayn haba yaraatee.

Karin News ayaa socdaalka hogaamiye xirsi iyo dhaq-dhaqaaqyadiisa qaaradda yurub si toos ah ula socotay laga soo bilaabo dalweynaha jarmalka norway, sweden iyo waddanka finland, in kastoo xirsi uu la kulmayay beelaha habar jeclo ee waddamadaasi ku kala nool balse dalkastaaba looga sheegayay in fekerka xirsi ee xisbiga waddani uu yahay mid isaga u gaar ah , hase yeeshee aanay beeshu kula socon.

Ugu dambeyntiina mudane xirsi cali xaaji xasan ayaa soo dhawayn iyo casuumado kala duwan kala kulmay beelaha habar jeclo ee qurbaha ku nool waxaana uu ka helay maamuus balaadhan haba ahaadaan dad aan ka mideysnayn fekerka siyaasadeed.

Karin News
LATEST NEWS