[Xaasaasi] Is-rasaasayn Dhex Martay Shacabka Jig Jiga Yar Iyo Ciidanka Booliska + Dhul Suldaanka Guud Ee Habar Awal Leeyahay Oo Awood Lagu Bixiyey Iyo Rag Hub Gurtay [Suldaankii Oo Xaalad Caafimaad…]

0
Monday 24th April 2017 15:31:24 in Wararkii Maanta by Madaxa Wararka
  • Visits: 3828
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 1
  • Share via Social Media

    [Xaasaasi] Is-rasaasayn Dhex Martay Shacabka Jig Jiga Yar Iyo Ciidanka Booliska + Dhul Suldaanka Guud Ee Habar Awal Leeyahay Oo Awood Lagu Bixiyey Iyo Rag Hub Gurtay [Suldaankii Oo Xaalad Caafimaad…]

    Xaasaasi Is-rasaasayn Dhex Martay Shacabka Jig Jiga Yar Iyo Ciidanka Booliska + Dhul Suldaanka Guud Ee Habar Awal Leeyahay Oo Awood Lagu Bixiyey Iyo Rag Hub Gurtay Suldaankii Oo Xaalad Caafimaad…

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaasaasi Is-rasaasayn Dhex Martay Shacabka Jig Jiga Yar Iyo Ciidanka Booliska + Dhul Suldaanka Guud Ee Habar Awal Leeyahay Oo Awood Lagu Bixiyey Iyo Rag Hub Gurtay Suldaankii Oo Xaalad Caafimaad…


Hargeysa (KNN):- Saaka abaara 9-subaxnimo waxa magaalada Hargeysa laga dareemay ciidan xoogan oo wadooyinka waawayn ee Hargeysa la soo dhoobay kuwaasi oo wadooyinka qaar xidhay ka dib markii ay gadoodeen shacabka xaafadda Jig Jiga yar oo Hargeysa ah.


Sida aanu xogo hoose ku helayno isku dhacan ayaa ka yimi ka dib markii haweenay Maal qabeen ah la siiyey dhul uu leeyahay Suldaanka Guud ee Beelaha Suber Awal Suldaan Xasan oo wakhtigan xaalad caafimaad loogu qaaday wadanka Itoobiya.



Dhulkan oo sida la sheegay mudo lagu muran sanaa layskuna haystay ayaa Maxkamadda gobolka iyo Taliska ciidanka oo iskaashanayaa ay ka faa’ideeyeen maanta oo wadanku fasax yahay isla markaana goobaha dawladu aanay shaqaynayn shaqaaluhuna fasax ku jiro iyada oo la dhistay dhulkii lagu muran sanaa ee Suldaanka guud lahaa.


Shacabka oo markii ay arintan arkeen gadood balaadhan sameeyey waxa ay ciidanka Boolisku kaga jawaabeen xabad nool oo dadkii lagu kala caraabiyey waxaana wadooyinka dhinac kasta la dhigay ciidanka Booliska oo taxan ilaa suuqa Hoose.


Shaqaalaha Shabakadda Karin oo ka soo baxay Hawl Shaqo dhinaca Madaarka Hargeysa ayaa wadooyinka intooda badan kula kulmay askar heegan ku jira oo gawaadhida celinaya iyada oo markii danbana awoodooda iskugu geeyey dhinaca Jig Jiga Yar.


Arintan oo fawdo ah ayaa waxa ka dhalan kara kicin shacab waxaana sida Karin xogaha ku helayso la sheegayaa in rag Suldaanka taabacsan ay dhankooda heegan ku jiraan inkasta oo ay xal nabadeed wax ku raadinayaan.


Dhulkan sida la sheegay waxa fasaxay oo lacag tiro badan qaatay Taliska Booliska iyo Maxkamadda Gobolka oo isku dhinac ah halka Suldaan Xasana la sheegay in uu jiifo Cusbitaal ku yaala Adiss Ababa.

LATEST NEWS