[TOP SECRET] Cali Guray Oo Muddo Ka Dib Hadlay Iyo Sheekh Caan Ah Oo Uu Dhulka Jiidayo + Urur Diimeedkii Hargaysa Lagaga Dhawaaqay Oo Uu Taageeray

0
26 April 2017 17:57 in Wararkii Maanta by Head Office
  • Visits: 2320
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [TOP SECRET] Cali Guray Oo Muddo Ka Dib Hadlay Iyo Sheekh Caan Ah Oo Uu Dhulka Jiidayo + Urur Diimeedkii Hargaysa Lagaga Dhawaaqay Oo Uu Taageeray

    [TOP SECRET] Cali Guray Oo Muddo Ka Dib Hadlay Iyo Sheekh Caan Ah Oo Uu Dhulka Jiidayo + Urur Diimeedkii Hargaysa Lagaga Dhawaaqay Oo Uu Taageeray

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

[TOP SECRET] Cali Guray Oo Muddo Ka Dib Hadlay Iyo Sheekh Caan Ah Oo Uu Dhulka Jiidayo + Urur Diimeedkii Hargaysa Lagaga Dhawaaqay Oo Uu Taageeray




Hargaysa (Karin) Mujaahid cali gura ayaa sidii uu ugu biiray xisbiga kulmiye waxaa uu faraha kala baxay warbaahintii uu taagnaan jiray, hase ahaatee mujaahid cali guray ayaa boggiisa facebook ku faafiyay qoraal dheer oo uu sheekh umal iyo urur diimeedkii hargaysa lagaga dhawaaqay kaga faalooday waxaana uu yidhi sidan:-



II SHEEG DEMBIGA AY GALEEN!
TOBAN DAAWO LALA GALO
AMMA DUUNYO LAGU QUBO
DEREJIYO XIL LAGU TAXO
UMA KORIN DARMAANTEE
WAXAN DUULAN U CUSKADAY
INAAN DUUG KU HIUBIN KARO
INAAN DAAHAN GARAN KARO
MADAL IYO SHIR ILA DA' AH
INAAN DOOD KA ODHAN KARO
DIBNAHAYGA BARI KARO
IN LA DIIDI KARO YEEL
ILAAHAY KELIGII AYAA XAQ U LEH IN LAGA CABSADO. "ASSAADICUUN BIL XAQ" KOOXDII LA BAXDAY WAX AY XUMEEYEEN KOLAY ANIGU KAMAAN ARAG. MID WAHAABI AH OO UMMAL LA YIDHAA AYAA MARKIIBA KULA BOODAY XERTIISII OO MASAAJIDADA UGU TIRADA BADAN LA WAREEGTAY AYAA JIMCE KU SHIBRO-WAAQLEEYAY IYAGOO KHUDBADO JIMCE KU SHEEGAYA. HADDII AY CID WAX KA XUMEEYEEN KUWAAS AYUUN BAY WAX KA XUMEEYEEN MALAHA EH DIINTA ISLAAMKA WAXBA KAMAY XUMAYN. MARKAA WAX AY YIHIINBA WAHAABIYIINTII HAMIGOODA UGU WAYN IYO INTA HAMIGOODU GAADHAABA AY ADUUNYADA KU KOOBNAYD EE LACAGTA IYO XUKUNKA U WAASHAY AYAA JUDHIIBA GEESKA DARAY.
KU DARSOO HALKA KELIYA EE LAGU XIDHXIDHAY WAA HARGEYSA OO KELIYA. HARGEYSANA INAMO YAR YAR BAA LEH DIINTA ISLAAMKA ANAGA OO KELIYA AYAA NAQAANA OO KA HADLI KARNA DAWLADANNA ANAGA AYAA ISKA LEH OO KELIGAYO CULIMO U AH.
MIDNA IGA QORA ASSAADICUUNA BIL XAQ KAMA XUMA KUWAN AAN SHEEGAYO EE WAXAY DOONAAN XAARAAMEEYA WAXAY DOONAANA XALAALEEYA IYAGANA AANAY JIRIN WAX KA XAARAAN AHI.
ANIGU WAXAN LEEYAHAY XADHIGA DADKA LOO XIDHXIDHAY ASSADICUUN BIL XAQ WAA DULMI MARKA AAN KA SOO EEGO DHINACA DASTUURKA SOMALILAND EE AANAN KA EEGIN KOOX GAAR AH JACAYLKOODA IYO NACAAYBKOODA. ANIGUNA XAQ BAAN U LEEYAHAY IN FIKIRKAYGA AAN SI XOR AH U BANDHIGI KARO WAAYO WAA WIXII AAN U SOO DAGAALAMAY EEN TOBAN SANADOOD OO CIMRIGAYGA AH SIIYAY. WAXAN LEEYAHAY DADKA LOO XIDHXIDHAY XAQ BAY U LEEYIHIIN INAY CADAALAD HELAAN EE IN KOOX LOO XIDHO KOOX-DANEED WAA SHARCI DARRO''

LATEST NEWS