maansa dada dareen somaliland abwaan mohamed mohamoud allaleh

0
Thursday 27th April, 2017 in Aragtida Dadweynaha by Xarunta Dhexe
  • Visits: 142
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    maansa dada dareen somaliland abwaan mohamed mohamoud allaleh

    maansa dada dareen somaliland abwaan mohamed mohamoud allaleh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

maansa dada dareen somaliland abwaan mohamed mohamoud allaleh
Sanadii na dhaafiyo
samen hore wixii tagay
sooyaalka lagu qoray
anigaan saluugayn
wixii saaka joogiyo
saadaal wixii jira
anigaan midnaba surin
saatirkay wuxuu qoray
loox maxfuudka lagu sugay
anigaan ka saahidin
ninkii aan sacaygii
soodintiisa geeyee
caanihiisa siiyee
sodon saniyo dheerad
samaantiisa aan waday
ninkii aan sokeeyiyo
soomaali nimo iyo
gacal soorka ugu tagay

ee siyaasad hoosiyo
bilaawaha wax sara iyo
nacayb aan salays nayn
igu saaqay gabaygii
ninkii seef ma gaydada
birbireeyey subax hore
ee suuga maatada sarab
sarabka ugu wadhay
soo noqo shadaydana
wajigee ku sugayaa
somaliland samatoo
dhibaatadii kasuushoo
xuduudaheeda sugatoo
ciidan saanad culusiyo
suldaamiyo wax garadiyo
saraakiil lamiidhaa
hogaamada usaaroo
sugi mayso ruuxnee
kii wali sugaayoow
sidrigaaga taa gali
su,aalina waxay tahay
ruuxii sadkiisiyo sabadiisa
saxay baa ruux kalena wax siinkara
waxan uga socdaa taa
adigaa sintaadiyo
sabadkaaga hanan karin
socotada shisheeyiyo
san gadhuudhi keensaday
LATEST NEWS