Kooxaha Man City & Man United Oo Dhibcaha Ku Qaybsaday Kulankii Manchester Derby, Marouane Fellaini Oo Dhamaadkii Kulankan Kaadhka Cas Loo Taagay

0
28 April 2017 08:09 in Wararkii Maanta by Xafiiska Hargeysa
  • Visits: 196
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxaha Man City & Man United Oo Dhibcaha Ku Qaybsaday Kulankii Manchester Derby, Marouane Fellaini Oo Dhamaadkii Kulankan Kaadhka Cas Loo Taagay

    Kooxaha Man City & Man United Oo Dhibcaha Ku Qaybsaday Kulankii Manchester Derby, Marouane Fellaini Oo Dhamaadkii Kulankan Kaadhka Cas Loo Taagay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxaha Man City & Man United Oo Dhibcaha Ku Qaybsaday Kulankii Manchester Derby, Marouane Fellaini Oo Dhamaadkii Kulankan Kaadhka Cas Loo Taagay

Kooxaha ree Manchester ayaa babraro gool la’aan ah ku kala baxay kulankii Etihad Stadium ee Manchester Derby waxayna Mourinho iyo Guardiola qaybsadeen saddexdii dhibcood ee loo tartamayay.Marouane Fellaini ayaa kaadhka cas loo taagay dhamaadkii kulankan kadib markii uu herdiyay 

Sergio Aguero.

Manchester United iyo Manchester City ayaa baaqi ku sii ahaan doona kaalmihii shanaad iyo afraad ee ay markii horeba ku jireen waxayna Manchester City oo kulankan fursadaha ugu badan heshay ay iska lumisay fursada ay kaalinta saddexaad ugala bixi lahayd Liverpool.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:



Manchester City XI (4-2-3-1): Bravo; Zabaleta, Kompany, Otamendi, Kolarov; Toure, Fernandinho; Sterling, De Bruyne, Sane; Aguero.

KAYDKA:Caballero, Sagna, Clichy, Garcia, Fernando, Navas, Jesus.

Manchester United XI (4-3-3): De Gea; Valencia, Bailly, Blind, Darmian; Herrera, Carrick, Fellaini; Mkhitaryan, Rashford, Martial.

KAYDKA: Romero, Tuanzebe, Fosu-Mensah, Shaw, Young, Lingard, Rooney.


Kulankan ayaa ahaa mid si wayn loo sugayay isla markaana ay labada kooxood ku dagaalamayeen kaalmaha loogu soo baxayo Champions Leaque-ga. Manchester United ayaa kulankan ciyaaraysay iyada oo kaalinta shanaad ku jirtay balse maanka ku haysya in guul ay Etihad Stadium ku soo gaadhaan sabab ugu noqonayso in ay kaalinta afraadkala baxdo Man City.

Laakiin kooxda Guardiola ayaa dhinaceeda doonaysay in ay kaalinta saddexaad soo gasho oo ay Manchester United imtixaankeeda ka taxadarto. Qaybtii hore ee kulankan ayaa ahayd mid aad u adag balse ay labada kooxood abuureen fursado layaableh oo goolal dhawr ah lagu dhalin karayay. Man City ayaa ahayd kooxda inta ugu badan kubbada maamulaysay balse qorshaha Mourinho ayaa ahaa in uu si adag u difaacdo isla markaana ay Rashford iyo Martial weeraro deg deg ah fursado ku abuuraan.

DAQIIQADII 9 AAD Sergio Aguero ayaa helay fursadii ugu halista badnayd ee labada dhinac laakiin waxa uu awoodi waayay kaliya in uu De Gea kubbada shabaqa u dhaafiyo. Guardiola iyo jamaahiirta Sky Blues ayaa fishay goolka furitaanka balse waxa ay xaaladu ku dhamaatay Aguero oo madaxa gacamaha saaray.

DAQIIQADII 25 AAD Man United ayaa heshay fursad layaableh kadib markii uu goolhaye Caudio Bravo ku sasay kubbad aan micno u lahayn oo iska dhaafaysay xerada ganaaxa kooxdiisa wuxuuna iisaga oo duulaya kubbada soo dhigay dhulka laakiin waxay kubbadu si naxariis leh ugu tagtay Mkhitaryan kaas oo u qaadan waayay hadiyada cajiibka ah ee uu ka helay Bravo wuxuuna isku dayay in uu goolka oo madhan toogto balse Bravo oo dhulka jiigay ayay kubbadu ku dhacday taas oo keentay in Man City ay ka badbadao gool cadaan ahaa!!.

Waxa uu Bravo kubbada ka sameeyay ayaa ahaa wax lala yaabo isla markaana walwal wayn ku abuuray jamaahiirta Manchester City. Man City ayaa abuuraysay fursado badan iyada oo waliba Sergio Aguero uu nooc kasta oo dhibaato ah ku abuurayay difaaca United. Aguero ayaa badbaadino dhawr ah ku sababay De Gea kaas oo kooxdiisa door wayn ugu lahaa in aan goolal laga dhalin qaybtii hore ee kulankan.

Dhinaca Manchester United Rashford, Mkhitaryan iyo Martial ayaa fursado fiican ku abuurayay marka ay kooxdoodu kubbada hesho laakiin dhamaadkii qaybtii hore ee ciyaarta Herrera ayaa darbo madax ah markiisa fursad fiican ku abuuray. Qaybtii hore ee kulankan ayaan noqon qayb wax goolal ah lagu arkay Manchester Derby laakiin Guardiola ayaan marnaba doonayn natiijo barbaro ah, waxaana lagu kala nastay babraro gool la’aan ah.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayayna Mourinho iyo Guardiola wax isbadal ah ku soo samayn shaxihii ay garoonka la soo galeen waxaana soo laabtay isla 22 kii ciyaartoy ee qaybtii hore ee ciyaarta isku mari waayay. Laakiin Manchester City ayaa soo laabtay iyada oo dardar xoogan ku socotay waxayna markiiba dhibaato ku abuurtay difaaca United.

DAQIIQADII 57 AAD Leroy Sane ayaa abuuray fursad uu difaaca United iska dhex maray laakiin taakal uu kala kulmayValencia ayuu xerada ganaaxa ugu dhex dhacay wuxuuna markiiba dalbaday in rekoodhe lagu galay laakiin garsooraha ayaan waxba tilmaamin.

DAQIIQADII 61 AAD fursad qasaarinta Aguero ayaa halkeeda ka sii socotay wuxuuna helay fursad fiican kadib markii uu Valencia iska soo saaray kubbad uuZabaleta soo karoosay laakiin darbo uu Aguero ka soo tuuray meel ka baxsan xerada ganaaxa United ayaa birta dhinac martay.

Manchester United ayaa qaybtii danbe bilawday in ay si buuxda difaac u gasho taas oo u muuqatay in Mourinho uu hal dhibic ku qanacsanaa, laakiin kooxda Guardiola ayaa la dhibtoonaysya qaabkii ay ku jabin lahayd difaaca United waxayna iska lumiyeen fursado badan.

DAQIIQADII 67 AADOtamendi ayaa helay fursad uu goolka furitaanka ku dhalin karayay laakiin kubbad uu madaxa ku darbeeyay ayuu Eric Bailly awooday in uu birta goolkiisa dulmariyo waxayna ahayd fursad kale oo ay Sky Blues iska dayacday.

Ciyaarta ayaa noqotay mid lagu caajisay oo ay Manchester City kubbada ku dul wareejinayso Manchester United oo gabi ahaanba difaac gaashay waxayna labada tababare sii aaminyeen shihii ay kulankan ku soo galeen ilaa daqiiqadii 78 aad markaas oo uu Guardiola ay qasab ku noqotay in uu ciyaarta ka saaro goolhaye Bravo oo uu dhaawac ku soo gaadhay kubbad uu doonayay in uu Rashford ka badbaadiyo waxaana soo gaadhay dhaawac muruqa ah waxaana kaydka looga yeedhayWilfredo Caballero. Bravo ayaa garoonka laga dhex qaaday.

Sidoo kale Guardiola ayaa ciyaarta ka saaray da’yarka Leroy Sane wuxuuna kaydka uga yeedhay Jesus Navas si uu dardar kooxdiisa ugu soo kordhiyo. Mourinho ayaa isna daqiiqadii 80 aad ciyaarta ka saarayAnthony Martial wuxuuna kaydka uga yeedhayJesse Lingard. Ilaa daqiiqadii 80 aad Man United ayaa samaysay 2 darbo oo kaliya halka Aguero oo kaliyi uu sameeyay 10 darbo waxayna soo koobaysay sida ciyaarta weerar ahaan looga kala fiicnaa.

DAQIIQADII 83 AAD KAADHKA CAS!! Marouane Fellaini ayaa daganaantiisa lumiyay kadib markii uu qalad uu Aguero ku galay kaadhka digniinta ah ku qaatay laakiin xidiga ree Belgium ayaa herdiyay Aguero taas oo keentay in garsooruhu isla markiiba kaadhka cas soo saaro waxaana isriix riix kadib ciyaarta ka baxay Marouane Fellaini. Kaadhka digniinta ah ee Fellaini la siiyay iyo kaadhka cas ee tooska ah waxaa u dhexeeyay 19 ilbidhiqsi oo kaliya.

Mourinho ayaa casaankan kaga jawaabay in uuFosu-Mensah kaydka uga yeedhay wuxuuna ciyaarta ka saaray Mkhitaryan halka Guardiola uu badalkiisa ugu danbeeyay ka dhigtayGabriel Jesus waxaana la badalay Raheem Sterling.

Fellaini’s biggest contribution of the night. Smart by Aguero to tempt him.#ManchesterDerbypic.twitter.com/xIicTlUk6a

— Clarke (@NaturalFootyFan)April 27, 2017

 

Manchester City ayaa markan awoodeeda iskugu gaysay sidii ay goolka inkaarta wayn ku noqotay ee ay fursadaha badna u lumisay u raadin lahayd laakiin wali Manchester United ayaa buska ku baakikatay xerada ganaaxa kooxdeeda iyada oo waliba marakan 10 ciyaartoy lagu soo yareeyay.

Gabriel Jesus ayaa shabaqa soo taabtay waxayna markaliya qaylo wayni ka yeedhay Etihad Stadium laakiin waxaa loo sheegay in xidiga ree Brazil uu offside ku jiray. Si kasta oo ay Manchester City u raadisay goolka guusha waxay awoodi wayday in ay wax gool ah ka dhaliso kulanka Etihad Stadium martida loogu ahaa waxayna ciyaartu ku dhamaatay barbaro gool la’aan ah. Waxayna labada kooxood ku sii jiri doonaan kaalmihii ay markii hore ku kala jireen ee shanaad iyo afraad.


LATEST NEWS