[TOP NEWS] Wargeyska HAATUF Oo Muddo 3 Sanno Ka Hor Qoray Gacanyare Xirsi Sida Ay U Necbaayeen REER WADDANI Iyo Su'aalaha Bilaa Jihada Ah Ee Ay Ku Boobi Jireen

0
28 April 2017 15:47 in Wararkii Maanta by Head Office
  • Visits: 1412
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [TOP NEWS] Wargeyska HAATUF Oo Muddo 3 Sanno Ka Hor Qoray Gacanyare Xirsi Sida Ay U Necbaayeen REER WADDANI Iyo Su'aalaha Bilaa Jihada Ah Ee Ay Ku Boobi Jireen

    [TOP NEWS] Wargeyska HAATUF Oo Muddo 3 Sanno Ka Hor Qoray Gacanyare Xirsi Sida Ay U Necbaayeen REER WADDANI Iyo Su'aalaha Bilaa Jihada Ah Ee Ay Ku Boobi Jireen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

[TOP NEWS] Wargeyska HAATUF Oo Muddo 3 Sanno Ka Hor Qoray Gacanyare Xirsi Sida Ay U Necbaayeen REER WADDANI Iyo Su'aalaha Bilaa Jihada Ah Ee Ay Ku Boobi Jireen





Hargeysa, September 5, 2013 (Haatuf) – Wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo fadhigii shalay ee golaha wakiilada ka jeediyay warbixin dheer oo uu kaga hadlay waxqabadka xukuumada muddadii ay xilka haysay iyo guud ahaanba xaalada dalku halka ay marayso. Fadhiga shalay ee golaha wakiilada oo uu gudoominayay gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo xildhibaanada golaha wakiilada ee xisbiga mucaaridka ah ee Wadani uu ku dhexmaray su’aalo duur xul iyo weerar iskugu jira. Md Ibraahim Mahdi Buubaa oo ka mid ah wakiilada mucaaridka Ucid oo ugu horayn halkaasi ku weydiiyay wasiirka madaxtooyada su’aalo nuxurkoodu u dhignaa sidan:-
S: Wasiir warbixinta aad halkan ka jeedisay meel kaliya kaga maad soo hadal ahwlaha wasaarada madaxtooyada, ma xil kale oo duwan ayaad haysaa?
S: Wasiir goorma ayaa iskugu kiin dambeeyay gudoomiyaha madasha wadatashiga Mujaahid Xasan Guurre Jaamac?
S: Shirka uu ka qaybgalayo wasiirka khaarajigu ee lagu qabanayo Imaaraadka Carabtau ma wada hadaladii Somaliland iyo Somalia ayuu dabada ku hayaa?


Wasiirka Madaxtooyada oo su’aalahaasi ka jawaabaya ayaa waxa uu yidhi "Horta su’aasha Mujaahid Xasan Guurre waa mid gaar ah ee xafiiska iigu kaalay annaa kuu sheegi’e. Ta kale anigu xilkii wasaarada madaxtooyada ee ii ansixiseen ayuun baan hayaa, madaxweynuhuna waa hogaamiyihii qaranka aniguna waxaan uga shaqeeyaa hawlaha iyo isku duba ridka xafiiskiisa, balse waxay ahayd hadaan dedaal muujiyay inaanad igala masuugin, laakiin xildhibaan buubaa waxaan leeyahay mucaaridnimada xisbigaaga Wadani u miyiri. 




Ta kale wasiirka khaarajigu ilaa hada marti qaad rasmiya kamuu helin ka qaybgalka shirkaasi Imaaraadka lagu qabanayo 10ka bishan September marka la gaadho ayaa laga hadli. Xildhibaan Baar siciid Faarax oo ka mid ah wakiilada Wadani ayaa waydiisay wasiirka sababta uu Maxkamada ula tiigsaday gabadhii Nadra Maxamed Jaamac ee madaxweynuhu uu dhawaan cafiyay, ayaa wasiirka oo ka jawaabaya su’aashaasi waxa uu yidhi Arrintaasi Nadra Maxamed Jaamac way jirtay anigaana dacweeyay, waxaanay ku kacday fal waxshinimo ah iyo cay laf kab ah, balse markii Maxkamadu xukuntay madaxweynaha ayaa cafiyay, awood dawladeed oo aanu adeegsadayna may jirin ee garsoorka ayaan ka dacweeyay. Xildhibaan Cabdiarxmaan Xoog ayaa isaguna halkaasi wasiirka ku waydiiyay, Ciidamada RRU-da ee habeenkii saqda dhexe dadka guryaha kala baxa waxa sababay, waxaana uu ku jawaabay wasiirku "Ciidanka RRU-du waa ciidamo gaar ah oo loogu talo galay ina la dagaalamaan argagixisada, argagixisaduna waa cadowq habeen iyo maalinba way qabanayaan ciidanku argagixisada.
LATEST NEWS