[Gudaha Ka Eeg]Gabadha Adduunka Ugu Dheer Iyo Ta Ugu Gaaban Oo Ka Wada Qayb Qaatay Aftidii Turkey-ga

0
29 April 2017 07:00 in Wararkii Maanta by Head Office
  • Visits: 496
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Gudaha Ka Eeg]Gabadha Adduunka Ugu Dheer Iyo Ta Ugu Gaaban Oo Ka Wada Qayb Qaatay Aftidii Turkey-ga

    [Gudaha Ka Eeg]Gabadha Adduunka Ugu Dheer Iyo Ta Ugu Gaaban Oo Ka Wada Qayb Qaatay Aftidii Turkey-ga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

[Gudaha Ka Eeg]Gabadha Adduunka Ugu Dheer Iyo Ta Ugu Gaaban Oo Ka Wada Qayb Qaatay Aftidii Turkey-ga




Turkey(Karin) Dhacdadii ugu cajaa’ibka badnayd ee warbaahinta caalamka soo jiidatay ayaa noqotay aftidii wadanka Turkey-ga oo ay ka wada qayb galeen gabadha caalamka ugu gaaban iyo gabadha caalamka ugu dheer.



Gabadha lagu magcaabo Romeads Gladie ayaa noqotay gabadha caalamka ugu dheer , iyada oo dhererkeedu yahay ama gaadhaayo 2 iyo 13 cm, waxaanay gabadhani codkeeda ka dhiibatay gobolka Bolu oo ku yaala waqooyiga dalkaasi Turkey-ga.

Waxaanay sheegtay mar ay hadashay gabadhan caalamka ugu dheeri inay ku faraxsan tahay inay codayso iyada oo muwaadinad ah.

Gabadhan ayaa hore u gashay bugga layaabka adduunka ah ee World Genius Record-ka loo yaqaano , iyada oo buuggaasi gashay sannadkii 2014 kii, waxaanay da’deedu maraysaa 18 sanno jir.




Wargeyska Telegraphy oo uu qormadan kazoo xigtay wargeyska Dawan ayaa sheegay in ay gabadhaasi adduunka ugu dheer ku wehelinaysay codayntan gabadha ugu gaaban caalamka, iyada oo lasoo bandhigay sawiradda labadaasi haween ah.

Gabadhan caalamka ugu gaaban ayaa lagu magcaabaa Elif Kujaman, waxaanay isla gabadhani ka qayb gashay codayntan aftida, iyada oo buugga World Guinness ka gashay sannadkii 2010 kii oo ay noqotay gabadha caalamka ugu gaaban.

LATEST NEWS