Siyaasiyiinta Siyaasada Ku Saaqiday Qore Khadar Ibrahim

0
Saturday 29th April, 2017 in Aragtida Dadweynaha by Xarunta Dhexe
  • Visits: 123
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasiyiinta Siyaasada Ku Saaqiday Qore Khadar Ibrahim

    Siyaasiyiinta Siyaasada Ku Saaqiday Qore Khadar Ibrahim

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasiyiinta Siyaasada Ku Saaqiday Qore Khadar Ibrahim

Waxaan salaamaya bahda saaxafada ee qalbiga iyo maskaxda ka xoorta ah , waxaanasalaamaya muwadiniinta Somaliland.


Mar mar ayaad la yaabaysa siyaasiyiin aragtidooda iyo ficiladooda aan is qaban,taariikhdoodana ay mar walba markhaati ku ahaanaysa hadaba Hadaladii dhex maray MUUSE BIIXI Iyo XIRSI waxa ka soo baxay wax yaabo fara badan oo runti dad badan ka maqnayd ,waxayna soo saartay miisaanka qaar ka mid ah siyaasiyiinta haatan saaxada somaliland taagan,marka aan qiimiyo hadalada Xirsi Cali Xaaji Xasan waa runtii oo jaamacada SILAANYO ayuu ka soo baxay, wuxuu ka qaatay diploma political science,imika waa macalin siyaasadeed oo cilmiga siyaasadda, dhaqaalaha iyo diblomaasiyada ka dhiga xarunta xisbiga madhan ee WADDANI. Wuxuuna culuumtan baraa murashaxa madaxwayne ee xisbigaCirro iyo ku xigeenkiisa hurda!, iyo dhowr dhalinyaro layska dhaadhiciyo oo haatan hadh iyo habeen bordhin xaruntii xisbiga ka dhigtay!.



Murashax CIRRO wuxuu ahaa siyaasi aad lagu tuhmayay dhinaca siyaasadd iyo diblomaasiyadda, lana filayay inuu ka qalin jabiyay jaamacadda caanka ah ee Faysal Cali Waraabe!, sidoo kale na mudo 13 sanno ku siman ayuu ahaa qofka saddexaad ee leh hab maamuuska qaranka!, balse lama hayo eray cilmi iyo waayo aragnimo ah oo maankiisa ku duxa ilaa maanta war ma haysaan?!. Taasi ayaa loo badinayaa in ay ku kaliftay kuliyadda Xirsi oo uu ka qaadan doono Certificate political science maadaama u madaxtooyadda mar gali iyo habka lagu helo kursiga!, waxayna noqon doontaa horgalaha tartanka madaxtooyadda ee 2017 ee diyaar loo ahayen duruursta awgood inta ay dhamaanayaan!!. Halka u murashax Muuse Biixi Cabdi ka dhamiyay jaamacadda SILAANYO degree mucaaradnimo ah, master na hoggaaminta suubban ah, imikana wuxuu wadda "PHD" ku saabsan adkaynta qarannimadda, sigib tirka wadda lahaanshaha qaranka, xajinta dhaxalka dawladnimadda iyo diyaarinta jiilka labaad ee qarankan hoggaamin doona !. Waxaana la filayaa inuu imtixaanka ugu danbeeya u fadhiisan doono maalinta doorashadda ee diyaarka u ah. Iyada oo xafladda qalin jabinta loo qaban doono bil ka dib maalinta imtixaanka ka dib madaxtooyadda cosob!.

Halkaa waxaa ka muuqata arday aan cilmi durugsan lahayn oo soo saaraya murashax aqoontiisii hore huube noqotay sida WADDANI waa ta keentay in u noqdo ,Xilal madhan, xurmo madhan , xafiisyo madhan. Wuxuu ku darsaday qofnimo madhan!.

Ugu danbeyntii waxaa cad ah in aanu Xirsi haysan aqoon dhammeystiran oo ku saabsan culuumta lagu barto jaamacadda madaxweyne SILAANYO, isla markaana aannu alif ka baran meel kale oo lagu hayo magaca dawladnimo iyo nidaamka is xukunka ummadaha!!. Sababtuna waa samir iyo dulqaad xumada Xirsi, balse murashax Muuse Biixi Cabdi waa aqoonyahan dhammeystay culuumta jaamacadda SILAANYO. Halka murashax CIRRO yahay arday lagu leeyahay koorsooyin badan oo dhanka diblamaasiyada ah, oo hada ku jira kuliyada Xirsi ee bari hore albaabada loo laabay!! .


Saadaashu waa khayr!!

Qore Khadar Ibrahim

Khadar338@hotmail.com


LATEST NEWS