Cawaaqib Xumidda Sugaysa Waddani Qore Khadar Ibrahim

0
Sunday 30th April, 2017 in Aragtida Dadweynaha by Xarunta Dhexe
  • Visits: 83
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cawaaqib Xumidda Sugaysa Waddani Qore Khadar Ibrahim

    Cawaaqib Xumidda Sugaysa Waddani Qore Khadar Ibrahim

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cawaaqib Xumidda Sugaysa Waddani Qore Khadar Ibrahim

Waxaan salaamaya bahda saaxafada ee qalbiga iyo maskaxda ka xoorta ah , waxaanasalaamaya muwadiniinta Somaliland.

Xisbi mucaarid oo hoggaminta qaranka loolan ugu jira ayaa ku baaqaya dagaal dawladda lala galo. Caadiyan cida ku baaqda in dawladda dagaal lala galaa waa cid dalka iyo dadka Somaliland kula jirta dagaal, oo ku suntan cadawnimo qaran.Haseyeeshe odhan maayo Xisbiga waddani wuxuu ka mideysan yahay aragtidan gurracan ee heer dagaal gaadhay. Wali waxaan ka dhur sugayaa rajada aan ka qabo madaxda sare ee xisbiga oo ah kuwa masiirkooda siyaasiga ah iyo mustaqbalkooda maalinba wiil yari ku tumanayo. Isaga oo dagaal ku baaqaya amma sharciga dalka jabinaya si uu u helo xadhiga caan baxa. Haday se ka jawaabi waayaan waa xalad caal waa iyo quus siyaasadeed ku ah xisbiga waddani. Waa dhabarjabka iyo dux la' aanta madaxda xisbiga waddani.Waxan ugu baaqayaa taageerayaasha Xisbul Xaakimka Kulmiye in berri ay isugu soo baxaan bannaan bax laga ga soo horjeedo khalkhal gelinta uu Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ku hayo nabadda ay Somaliland ku caano maashay. Waxa igu maqaal ah in Xisbiga Waddani uu samaystay Liis dhallinyaro ah oo uu u bixiyay 'Al-Mujaahidiin Fil Xisb', kuwaas oo lagu tashkiiliyo in ay askarta xoog kala hor yimaaddaan, qoryaha ka qaadaan, si indho la'aan ahna iskaga caabiyaan ciidamada ka hor taga rabshadaha marka xisbigoodu fawdo wado. Somaliland guud ahaanteed nabad baa u dan ah, ninka fawdo iyo rabshad kursi baad ku fuuli is lahoow si qaldan baad qiyaasta u qaadatay.



Ugu danbeyntii, waa hubaal in ay cawaaqib xumo tahay in wasiir hore ku tiraabo erayo colaad ah iyo aafo dagaal oo dadkan jamhuuriyadda Somaliland ka jibo dhigay. Waase qorshe u dahsoonaa kooxdii barakayaasha siyaasadda, hor boode Xirsi iyo marti galiye Cirro.

Saadaashu waa khayr!!

Qore Khadar Ibrahim

Khadar338@hotmail.com


LATEST NEWS