Riyadda Jiifta Xarunta WADDANI Qore Khadar Ibrahim

0
Sunday 30th April, 2017 in Aragtida Dadweynaha by Xarunta Dhexe
  • Visits: 98
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Riyadda Jiifta Xarunta WADDANI Qore Khadar Ibrahim

    Riyadda Jiifta Xarunta WADDANI Qore Khadar Ibrahim

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Riyadda Jiifta Xarunta WADDANI Qore Khadar Ibrahim

Waxaan salaamaya bahda saaxafada ee qalbiga iyo maskaxda ka xoorta ah , waxaanasalaamaya muwadiniinta Somaliland.


Xisbigii dhamaa ee WADDANI wuxuu u soo badalay xisbi ku caruuroobay saaxadda siyaasdeed ee somaliland ,kadib markee ay arkayn in dawladdu u soo jeesatay oo dulqad fara badan qabtay mudooyinkii danbe, waxa ayaan darro ah siyaasiyiinta xisbiga oo ku dhawaaqay dagaal !?yaa raacaya oo dawladiisa la dagaalamaya?!waa ayaan darro . lkn waxa intaas ka wayn dhaliyaradda xisbigaas taageera oo riyo amba sakhrad ku jira la dhaho (guushu way dhawdahay) erygaas waa in aanu falaqayna see u ogaano waddani maxa haysta .Waxa jira yaryar taageerada xisbiga WADDANI waxaa maankooda ku wayn mar hel xadhiga caan baxa, si ay aakhirka uga xuubsiibtaan hoggaamiyaha barafka badan ee Waddaniga qabaw hoggaamiya ee CIRRO. Una soo jiitaan dhagaha iyo indhaha Xisbiyada Kulmiye iyo UCID. Waar ragaa ha la ogaado iyaga ayaa dhibane oo wax ha lala qabto, si looga badbaadiyo barafka haya!! (Ayaan darro).



Waxa jira qaar ka mid ah ardaydii Faysal Cali Waraabe hada ayay ogaadeen in aanay jirin xisbi ay doorteen oo xisbinimo u dhisan, Waxayna ka dayrinayaan xisbinimadda Waddani oo wiilka aan abtiga u ahay ee Abdirashiid H.Mataan lkn isagii aya imika gartay in u WADDANI ahayn xisbi hufan oo gaadhi kara madaxtooyadda ,dhawaana wuu iska casilaya !oo arka in xarun aan nidaam lahayen,xafiisyo madhan ,dhalinyaro jeebaysan inu yahay WADDANI waana (Ayaan darro)..

Waxaana jirta yaryar badan oo dhex jooga xarunta Waddani ayaa aaminsan in ay janada galayaan oo hebelo badan oo hada dawladda iyo hay'addaha u shaqeeya ay bedeli doonaan!!!, hadii CIRRO kursiga madaxwaynaha dalka helo, balse ma oga in albaabka laga xidhan doono maalinta koowaad ee xilka lagu wareejiyo!!. Waayo waxay ka baxeen kaliya kuliyada feedhka ee WADDANI!. Maalintaana waxaa loo baahan doonaa wax aqool badan oo dalka u shaqeeya, iyaguna way iska ciyaar tagi doonaan mar kale. Waar hada waxbarta ayaa yidhaa oo qiiradda iska dhaafa.waa laydinku shaqeysanaya ee inta ay goor goor tahay shandadahiina ka qaatay meesha oo iskaga tagameeshu waa hagbadeee!!!. waana(Ayaan darro).


Habeenadanmusdanbeedkii Waddani hadda afarta habeenimo ayay shiraan sababo la xidhiidha ololaha doorashada madaxtooyada iyo iyaga oo iska qarinaya indhaha Macalin Xirsi iyo Asma Coday!!. Waxaa la sheegay in ay ka boodsan yihiin sheegashada Macalin Xirsi iyo magacaabista Asma Coday. Waar waa niman wanaagsan oo dhaqanka iyo siyaasadda u daacad ah. Ma Asma coday oo xil haysa ayaa lala shaqayn karaa waa yaab eh?waana(Ayaan darro).


Saadaashu waa khayr!!

Qore Khadar Ibrahim

Khadar338@hotmail.com

LATEST NEWS