Hargeysa Oo Heshay Cidii Biyo La'aanka Ka Saari Lahayd

0
Tuesday 2nd May 2017 17:27:24 in Aragtida Dadweynaha by Xarunta Dhexe
  • Visits: 124
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeysa Oo Heshay Cidii Biyo La'aanka Ka Saari Lahayd

    Hargeysa Oo Heshay Cidii Biyo La'aanka Ka Saari Lahayd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa Oo Heshay Cidii Biyo La'aanka Ka Saari Lahayd Alla mahadii markii u madaxweyne jamhuuriyada Somaliland mudane Axmed maxamed maxamud (Siilaanyo) u soo magacaabay masuul runtii la yimi qorshe

Mudadii la sameeyey biyo galinta hargeysa wakhtigaa waxa ku nool tiro dad lagu qiyaaso labo boqol oo kun halka imika ay ka badan hal milyan ku nool yihiin taas oo keentay inay ay biyihii lagu talo galay wakhtigaas aan marnaba ku filayna magaalada hargeysa ,si loo helo in baahida biyood ee taala magaalada hargeysa waa inay jirtaa hogaan iyo madax leh himilo iyo qorshe ay ku maareeyaan masuuliyadaRun ahaantii magaalada hargeysi waa caasimada Somaliland taas oo ay ku nool yihiin bulsho lagu qiyaaso in ka badan hal milyan qof, oo ay badan tahay baahida ay bulshada reer hargeysa u qabaan inay helaan biyo ku filan oo ay bulshadu isticmaasho.





helista biyo ku filan shacabka caasimada dalka , iyada oo ay jirtay in ay wakaalada biyaha hargeysi ay soo mareen madax badan oo qabtay xilka maareeyaha wakaalada biyaha balse marnaba lama heli masuul ka fikira horumarka helista biyo ku filan shacabka magaalada hargeysa ku nool.

 

Alla mahadii markii u madaxweyne jamhuuriyada Somaliland mudane Axmed maxamed maxamud (Siilaanyo) u soo magacaabay masuul runtii la yimi qorshe si dhakhsa ah wax badan laga bedelayo hanaankii biyo galinta iyo qaybta biyaha caasimada Somaliland ee hargeysa , waa masuul da, yar waa aqoonyahan,Maxamed Cali Axmed(Darood)kaas oo bilaabay qorshe iyo hindise cusub oo lagu maamuli doon wakaalada biyaha hargeysa oo mudadii u xilka hayey masuulkana waxa u dardar galiyey mashruucii biyo balaadhinta hargeysa kaas oo imika ku dhow dhamaad taas oo ay bulshada reer hargeysa kagga bixi doonan baahida raagidaysay wakaalada biyaha hargeysa heli doonan biyo ku filan oo ay cabaan bulshada ku dhaqan caasimada dalka.

 

Waxqabadka maamulka cusub wakaalada biyaha hargeysa ma ah mid lagu soo koobi karo hal qormo balse waxaana balan qaadayaa in todobada dambe aan idin soo bandhigi doon hadii eebbaha awooda heli inoo ogaado

Qalinkii : aqoonyahan Cabdiqani jamac garas

Email:garas3030@gmail.com

Tell: 0634228753

LATEST NEWS