Sheikh Maxamed Dirir Oo Markii U Horaysay Ka Hadlay Dhibaatada Tahriibka Iyo Arimo Murugo Badan Oo Uu Sheegay.

0
Saturday 30th April 2016 16:40:41 in Wararkii Maanta by
  • Visits: 179
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheikh Maxamed Dirir Oo Markii U Horaysay Ka Hadlay Dhibaatada Tahriibka Iyo Arimo Murugo Badan Oo Uu Sheegay.

    Sheikh Maxamed Dirir Oo Markii U Horaysay Ka Hadlay Dhibaatada Tahriibka Iyo Arimo Murugo Badan Oo Uu Sheegay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheikh Maxamed Dirir Oo Markii U Horaysay Ka Hadlay Dhibaatada Tahriibka Iyo Arimo Murugo Badan Oo Uu Sheegay.
Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir ayaa sheegay in dadka jooga dalku qeyb ka yihiin sababaha abuura dhibaatooyinka dhalinyaradu kala kulmaan tahriibka, isla markaana raaciyey inay cabasho badan arrinkaa ka muujiyeen dadka reer Somaliland ee qurbaha jooga.

Sheikh Maxamed Dirir AYaa Yidhi "Cadaabka tahriibka dadku waxay u marayaan aad gaadhaan Yurub, si aad dhibaatada Afrika duruufaheeda uga baxsatid, laakiin, dadkeena halkan (Somaliland) jooga qeyb ayey ka yihiin mushkiladaa in dadku dibedaha u qaxo, markay arkaan gabadh ama wiil gurri soo dhistay, meeshu doono haka keenee, kadibna waxay odhanayaan kii aad isku da’da ahaydeen, ama isku reerka ahaydeen gurri buu soo dhistee, adiguna ka dhaqaaji, oo wax soo kordhi.


Sheekh Maxamed oo ka hadlayey hal-hayso tahriibayaashu isku dhiiriyaan, oo dadka qurbaha jooga uga sheekeeyeen ayaa yidhi,
"Waxa la sheegay wiil Liibiya dhaafi waayey Liibiya, Hooyadii intay canaanatay, tidhi [Ama hooyo tacsidaada hala ii keeno-ama Talyaaniga telefoon iga soo dir.] kelmed aad u naxdin badan oo warbaahinta qaarkood qoreen ayey noqotay.

Waxaana Sheikh Maxamed Dirir Ku Taliyay in wadanka la aamino oo layska daayo wadamada gaalada ee lagu sii yaacayo.



Karin News

Hargaysa Office

Contact@karinnews.com
LATEST NEWS