Diirada Caafimaadka & Daryeelka Dadwaynaha: Qaybtii 4-aad, Qalinkii: Jamal A. Muse - K

0
Wednesday 3rd May 2017 19:14:22 in Aragtida Dadweynaha by Xarunta Dhexe
  • Visits: 119
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diirada Caafimaadka & Daryeelka Dadwaynaha: Qaybtii 4-aad, Qalinkii: Jamal A. Muse - K

    Diirada Caafimaadka & Daryeelka Dadwaynaha: Qaybtii 4-aad, Qalinkii: Jamal A. Muse - K

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diirada Caafimaadka & Daryeelka Dadwaynaha: Qaybtii 4-aad, Qalinkii: Jamal A. Muse - K Ku maydh amma ku dhaq gacmahaaga saabuun iyo biyo nadiif ah. Haddii ayna biyo oollin aagga aad joogto, fadlan isticmaal alcohol-ka gacmaha lagu nadiifsado.


KA HORTAGA CUDDURKA DAACUUN:
"Gorfeynta & Falanqeynta Arrimaha Caafimaadka, Adeegsiga Diirada Fogaan araga, Daahfurka, Wacyigalinta, & Noolaynta Ka Hortaga Dilaaga Dedan”

Waxaa jira arrimo badan oo muhiim u ah ka hortaga cuddurka shuban biyoodka, kuwaasi oo ay tahay in laga hirgalinayo aagaga cuddurku ka dilaaco. Waa sidatan:

* Cabitaanka biyo nadiif ah sida biyo sifaysan "Bottled water”, biyo karsan "Boiled water” iyo biyo daawaysan "Chemically treated water”.

* Ka fagow cabitaanka biyaha baanbaddaha "Tap water” haddii aad ku nooshahay aag daacuur ka dilaacay iwm.

* Ku maydh amma ku dhaq gacmahaaga saabuun iyo biyo nadiif ah. Haddii ayna biyo oollin aagga aad joogto, fadlan isticmaal alcohol-ka



gacmaha lagu nadiifsado. Fadlan nadiifi gacmahaaga ka hor iyo ka dib cunto cunida, marka aad cuntada diyaarinayso iyo ka dib jidh maydhashadaba.

 

* Biyo nadiif ah ku maydh weelka cuntada laga cuno, sidoo kale cadayga u addeegso biyo nadiif ah sidda biyo sifaysan "Bottled water”, biyo karsan "Boiled water” iyo biyo daawaysan "Chemically treated water”.

* Cun cuntada warshadaysan ee xidhan amma isticmaal cunto cusub oo diirran. Ha cunin cunto qaydhiin "caydhin” iyo hilib aan la karin, hana isticmaalin khudradda diirka ka xoqan.

* Ilaali nadaafada iyo bilicda deegaanka, oo isticmaal suuli si looga hortago wasakhowga deegaanka, biyaha iyo cuntada.

DAWAYNTA & MAAREYNTA:

Daaweyntu waxay ku xidhan kolba xaaladda bukaanku sida ay tahay, waxaana lagu daweeyaa qodobadan halkan ku xusan:

* Dareere fuuq-celis ah oo afka iyo xididka laga qaato, oo bukaanka loogu sameeyo fuuq-celin.

* Daawooyinka kale waxaa ugu muhiim nooca lidka ku ah bakteeriyada "Antibiotics”, taasi oo yarayn karta muddada shubanka, islamarkaana ka hor tagi karta sii fiditaanka cuddurka.

* Runtii maareynta iyo maamulka ugu wanaagsan ee loo sameyn karo bukaanka cuddurkani asiibo. waxaa ka mid ah in degdeg loola gaadho

cisbitaal, si loo siiyo daaweynta fuuq-celinbta ah.

Jamal A. Muse, Kuala Lumpur.

jamalabdiya@gmail.com/dankaabo@hotmail.co.uk/hirdanheer@gmail.ocm

LATEST NEWS