Taariikhda Wiiqan iyo Tayo Xumada Hoggaaminta Guddoomiye/Murrashax Cirro..W/Q Jamaal Cabdi Muuse -

0
Wednesday 3rd May 2017 19:18:18 in Aragtida Dadweynaha by Xarunta Dhexe
  • Visits: 189
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taariikhda Wiiqan iyo Tayo Xumada Hoggaaminta Guddoomiye/Murrashax Cirro..W/Q Jamaal Cabdi Muuse -

    Taariikhda Wiiqan iyo Tayo Xumada Hoggaaminta Guddoomiye/Murrashax Cirro..W/Q Jamaal Cabdi Muuse -

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taariikhda Wiiqan iyo Tayo Xumada Hoggaaminta Guddoomiye/Murrashax Cirro..W/Q Jamaal Cabdi Muuse - Taariikhda Wiiqan iyo Tayo Xumada Hoggaaminta Guddoomiye/Murrashax Cirro..W/Q Jamaal Cabdi Muuse

• Iyada oo shaqsiyadda iyo masuulnimadda qaran ee Guddoomiye/murrashax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ay dhawrsan tahay oo ay mar walba sharaftiisa qofnimo lama taabtaan tahay. Haddana, waxa muhiim ah in si tudhaale leh loo gorfeeyo oo la faaqido, sooyaalka tagtada dal-dhiska, taariikhda siyaasadda iyo hannaanka hoggaaminta guddoomiye baarlamaanka, hoggaamiye xisbi iyo u ordaha xilka madaxwaynenimo.



• Guddoomiye/murrashax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) kama qayb-qaadan hannaankii dib u yagleelka iyo dib-u-curinta qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, lama soo shaqayn haldoorkii iyo miiddii mudanta ahayd ee isku haysay, iskuna keentay ummadda wada dhalatay ee Jamhuuriyadda ku wada abtirsata, sida Allaah haw naxariistee Madaxwayne Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur), Madaxwayne Maxamed



Xaaji Ibraahim Cigaal, Guddoomiyihii Guurtida Sheekh Ibraahim Sh. Yuusuf Sh. Madar, Suldaan/Sh. Muuse Jaamac Goodaad, Guddoomiyihii Baarlamaankii kan ka horreeyay danjire Axmed Maxamed Adan (Qaybe), odayga ruuxiga ah ee Somaliland waa Xaaji Cabdikariim Xuseen Yusuuf (Cabdi Waraabe), salaadiintii, muddakarkii, aqoonyahankii, haldoorkii iyo bahdii kartida la saaxiibka ahayd ee dadkan badbaada u ahayd, kana badbaadisay dawlad la’aan iyo fawdo muddo dheer qaadata.

 

• Guddoomiye/murrashax Cabdiraxmaan Cirro waxa la hubaa in aannu waqti gelin unkidda cudduda ciidammada qaranka, isku laab-xaadhnaanta ummadda, turxaan-bixinta iyo wadaaga dawladnimada dalka. Sida la xaqiijiyay marna kama soo muuqan shirarkii nabadaynta Somaliland iyo kuwii dib loogu dhisay hannaanka dawladnimo ee maanta lagu cartamayo ee aynu ku nool lahay gobanimada iyo nabadda wacan. Murrashax Cirro wuxuu siyaasadda Somaliland ka soo fantay sallaanka xisbiga UCID, xilli jiibta iyo jaanta laysla helay, halkaas oo uu Guddoomiye/Murrashax Faysal Cali Waraabe ugu noqday macallin xisbiyahannimo iyo mid siyaasadeed, kadibna wuxuu ku soo baxay xildhibaan Golaha Wakiillada ah, isaga oo iskaashigii labadii xisbi mucaarid ee KULMIYE iyo UCID iyo qalqaalintii Guddoomiye/Murrashax Faysal Cali-waraabe ee uu Cabdiraxmaan Cirro ku noqday Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland sannadkii 2005-ta.

• Guddoomiye/murrashax Cabdiraxmaan Cirro waxa lagu bartay hal-abuurka khilaafka siyaasiga ah iyo wada shaqayn xumada dawladda amma xisbiga uu ka tirsan yahay sida Guddoomiye/Murrashax Faysal Cali-waraabe, xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin iyo madaxwaynaha hadda mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Dhanka kale waxa jira arrimo badan oo dul hoganaya Guddoomiyaha Wakiillada oo ay ka mid yihiin musuq baahsan, xil-jacayl, wax qabad la'aan, kala fogayn, karti la'aan iyo go'aan la'aan mug iyo miisan leh.

Guddoomiye/murrashax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) muddo 13 sanno ah ayuu ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, waa guddoomiyihii ugu waqtiga dheeraa ee soo mara aqalka wakiillada tan iyo intii lagu dhawaaqay gooni-isu-taagga Somaliland, waana Guddoomiyihii ugu waxqabadka yaraa dhinacyada samaynta shuruucda dalka, hoggaaminta golaha, middeynta xildhibaanada iyo kartiyeynta xildhibaannimada. Waxa la yaab ah inuu midayn kari waayay 82-ka xildhibaan ee Golaha Wakiillada iyo Shirguddoonka oo xataa mararka qaar ay ka gaadhay gacan-ka-hadal, waxa jira tuhunno musuq-masuq oo ilaa xad xadhkaha goostay oo xog-ogaalku warkiisa hayo, hoggaamin liidata iyo go’aan jilicsan.

• Guddoomiye/murrashax Cabdiraxmaan Cirro waxa aad loogu saluugaa hannaanka hoggaaminta xisbiga WADDANI oo aakhirkii u dhurtay xisbi mus-dambeed taladiisa gaadho oo aan isaga gacanta ugu jirin. Hoggaamin xumada ayaa dhalisay inuu irkado waran iyo eebo fiiqan oo dhuuxa iyo duxda ka dhammaysay maanka xisbiga Waddani. Qaab-dhismeed qosol ku jab ah ayaa loo rogay hannaankii dhismaha xisbinimo, iyada oo la sameeyay xilal madhan oo hore looga qaateenku u sheegay.

• Guddoomiye/murrashax Cabdiraxmaan Cirro oo hadda loo yaqaan murrashax igu sawir, wuxuu sameeyay barnaamij la yidhaa ‘ILA SAWIR’ oo hadda gaadhay halkii ugu xumayd. Waana laf-dhabarta ololaha iyo mudanta sheegmadooda in masaakiinta baahan sawir madhan lala galo. Mar aan arrintaa ku tilmaamay erayo kooban oo suugaan ah waxaan idhi:

o Igu sawir xil madhantii.

o Xurmo-daranta ila sawir.

o Xilka kuwii u xaydnaa.

o Ubad xaabo saartada.

o Xinjir weel ku shubatada.

o Xangulaha ka jabisada.

o Xisbi sawirle soo baxay.

o Xilkas darro ma aragtaa?....

• Ugu dambeyntii, Guddoomiye/murrashax Cabdiraxmaan Cirro Mr. Igu sawir iyo barnaamijkiisa ila sawir midna dalkan iyo dadkan kob cagaaran ma gayn karo, waayo wuxuu midayn kari waayay 82 xildhibaan muddo 13 sanno ah, wuxuu sameyn kari waayay xisbi mucaarad oo tiro gal ah oo tayo leh, isla markaana ummadda dhacsiiya barnaamijkiisa siyaasiga ah oo xanaf iyo xinjiro dhur ka nadiif ah.

 

Jamaal Cabdi Muse

 

LATEST NEWS