[Sports] Bianconerri Miyaa Iska Xaadirin Doonta Cardiff? Mise Monaco Ayaa Soo Laaban Doonta?.

0
09 May 2017 08:18 in Wararkii Maanta by Xafiiska Hargeysa
  • Visits: 183
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Sports] Bianconerri Miyaa Iska Xaadirin Doonta Cardiff? Mise Monaco Ayaa Soo Laaban Doonta?.

    [Sports] Bianconerri Miyaa Iska Xaadirin Doonta Cardiff? Mise Monaco Ayaa Soo Laaban Doonta?.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

[Sports] Bianconerri Miyaa Iska Xaadirin Doonta Cardiff? Mise Monaco Ayaa Soo Laaban Doonta?.

Juventus ayaa magaalada Turin kusoo dhaweyn doonta As Monaco kulan ka tirsan wareega afar dhamaadka Champions League lugtiisa labaad markaas oo kooxda natiijo ahaan isku cel-celiska libinta ku hesha ay iska xaadirin doonto magaalada Cardiff.


Bianconerri waxey dooneysaa iney gaarto final-kii labaad muddo sadex xilli ciyaareed ah iyadaana ugu cad-cad madama ay 2-0 kusoo adkaatay kulankii ka dhacay garoonka Stade Louis II.




Laba gool oo uu dhaliyay Gonzalo Higuain ayaa Juventus ka saaciday iney kala dhantaalaan As Monaco, sidoo kalana darbiga daafaca ee Juve ayaa gool u diiday wiilasha gooldhalitna looga haray ee Kylian Mbappe iyo Radamel Falcao.


WARBIXITA KULANKA:

Kulanka: Juventus vs As Monaco

Tartanka: Champions League

Garoonka: Juventus Arena

Saacadda:Bjoern Kuipers (Netherlands)

Saacadda: 9:45 Habeenimo (XGA)


MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

JUVENTUS:

Juventus dhibaatooyin dhaawac oo kusoo cusboonaaday ma jiraan, Sami Khedira ayaa dib ugu soo laaban kara Bianconerri kadib markii uu ganaax ku seegay kulankii lugta hore.

Miralem Pjanic ayaa bah-wadaag la noqon doona Khedira iyadoo Marchisio ay u badan tahay inuu kursiga kasoo muuqdo.


AS MONACO:

Dhanka Monaco dhibaato hor leh oo kooxda soo gaartay ma jirto –Benjamin Mendy ayaa shaki la galinayaa inuu ciyaaro kulankaan.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:


Waa markii labaad oo ay isku arkayaan Juventus iyo Monaco marxaladaan oo kale, Bianconerri ayaana 6-2 isku cel-celis ahaan kuso baxday kulankii dhacay 19-sano ka hor, balse final-kii waxaa koobkii ku guuleysta Real Madrid.


Ma jirto koox faransiis ah oo ka badan in la tiigsado Semi Final-ka Champions League, waxeyna horay u sameysay1993/94, 1997/98 iyo 2003/04.

Juventus oo lagu lamaaniyay Real Madrid waa labada kooxood ee aan laga adkaan xili ciyaaredkan kulamada Champions League.

LINE UP-KA MACQUULKA AH:

Juventus:

Buffon; Barzagli, Bonucci, Chiellini; Alves, Pjanic, Khedira, Sandro; Dybala, Higuain, Mandzukic

As Monaco:

Subasic; Dirar, Glik, Jemerson, Sidibe; Silva, Fabinho, Bakayoko, Lemar; Falcao, Mbappe


LATEST NEWS