Dacawaa Laga Hayey "Walee Reer Aan Ogaa Ma Guuro". Qalinka: C.S.f (Jeesto).

0
Tuesday 9th May, 2017 in Aragtida Dadweynaha by Xarunta Dhexe
  • Visits: 117
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dacawaa Laga Hayey "Walee Reer Aan Ogaa Ma Guuro". Qalinka: C.S.f (Jeesto).

    Dacawaa Laga Hayey "Walee Reer Aan Ogaa Ma Guuro". Qalinka: C.S.f (Jeesto).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dacawaa Laga Hayey "Walee Reer Aan Ogaa Ma Guuro". Qalinka: C.S.f (Jeesto).

Markaan Leeyahay Dalka, Dadka iyo dawladaan arkayo midna doorasho diyaar uma aha waxa laga yaabaa in qayb bulshada ka mid ahi ila yaabaan ama dadka aragtida dhaw ee Muraayada Cagaaran xidhani ka fajacaan waayo Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa (NINKA WAXA JOOGA GARAN WAAYAA WAXA SOO SOCDA MA GARTO). Markaa amin-xaadirtan ifafaalooyinka aan arkayno waxa ka muuqda siqitaan dhinac walba teedsan haday tahay Axsaabta qaranka iyo Qoysaska isgaashaan-buureystay Ee madaxtooyada ka taliya, kuwaasoo ka sii helaya u sii laandaynta ku takrifalka awoodaha aan inaba caadiga ahayn ee ay gacmahooda ku haystaan.

 

Hadaynu jaleecno dhinaca Jawiga iyo dabeecada Rabaaniga ah waxa yadna xusid mudan Abaaro Baahsan oo qaranka raaf-cadeeyey kuwaasina waxa ogolaasho korodhsiimeed siinaya Dastuurka iyo Xeerka doorashooyinka oo odhanaya haddii Abaaro baahsan, Aafooyin qaran, Masiibo daran, Iyo Colaado Sokeeye socdaan inaaney doorasho qabsoomi Karin, Sidaa darteed ha,ayadaha sharci-dajintu sameeyaan mudo kordhin sidaana ay dawlada joogtaa ku noqoto dawlad ku meel gaadha oo duruufi cuskatey, isla markaana looga maarmi waayey sidaas awgeed.

 

Hadii aynu ka istaagno dhinaca axsaabta iyo u diyaar garwgooda oo aad u liita waxaad moodaa inay waxoogaa hoosta iska og yihiin maxaa wacay Musharaxiinta tartamaya ee doorashada madaxtooyada ku hirdamaya Qaarkood baa ku fadhiya kuraas culus oo qaranka miisaan weyn ku leh halka qaar kalena ay ku fadhiyaan kuraasta ay u sharaxan yihiin sidaa awgeed nin kastaana wuxuu doorbidayaa inuu fadhiga iska macaansado isagoo danaynaya wax badan oo kursigaasi leeyahay xaga macfaca iyo macnahaba.

 

Waxaan yadna meesha ka maqnayn diciifnimada golaha sharci-dajinta qaranka oo isagu inta ugu badan ku tuntey sharciyadii Somaliland lahayd iyo qawaaniintii dastuuriga ahaa ee xeererkan qeexayey ugu dhawaan hadaanan qaldanayn malaha saddex iyo toban xeer oo meel marin lahaa arimo murugsan intan danbe oo lagu kala bixi lahaa ayaa la nasakhey waxaana nasakhaadaa laaluush ku bixisa madaxtooyadan doonyeysan ee isha u dabaysa xaqa maatimadaa iyo maxastaa dayacan een dareen iyo dub ka naaxaa midna jirin.

 

Sida la filayo mudooyinka soo socda waxay u diyaar garoobayaan ha,ayadaha xaaraantee Qarnkan sharci-dajinta u qaabilsan yagoo faylka wajiga layskaga dhigayaa yahay abaaro baahsan iyo qaranku wakhti xaadirkan u baahan yahay gurmad, hada gurmadku maaha kii runtii ee waa (POLITICAL INTERST), Loogu talgaley marin habaabin iyo dhalaan habaw loogu magac iyo macno samaynayo qaadhaan-bixiyayaasha iyo nimankan beesha caalamka ee inaga taageera arimaha doorashooyinka.

 

Markaa maanta waxa igu kalifey inaan ka faaloodo xogtan rasmiga ah anigoo ka daliil qaadanaya niman odeyaala oo war-qaateena oo ragan dhariga lafaha kala baxa ah, ayaa ii xaqiijiyey isla markaana martabad weyn qaranka ka haya, sidaa darteed waxaan soo jeedin lahaa in la gurmado oo dadka la badbaadiyo si loo aan hadhaw loogu meeraysan abaar baa jirta oo dadkii baa dhiban.

 

Guniyo gunaanadkii waxaan leeyahay Golayaashaan wakiilada iyo guurtida ee mudo dhaafey Xaraantooduna ay tahay tan abaarta iyo surmiga inoogu wacan, In ay Ilaahey ka yaabaan oo ay shicibkooda iyo umadooda u tudhaan dibna aaney u kordhin, yaguna ay sameeyaan Xeerar xalaala oo lagu soo xulo xildhibaanada ka danbeeya, taasi bey wax inoogu hagaagayaan Khayr ahaaan umad ahaan iyo Qaran ahaanba.

 

Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto)

 

Diplomatic Annalysis

 

Gabiley:Somaliland


LATEST NEWS