"Geeska Afrika Waxa Ka Socda Tartan Ganacsi Oo Waxaan Xasuustaa Yaraantaydii…" Madaxweyne Siilaanyo Oo Mudo Badan Ka Dib Jeediyey Qudbad Uu Kaga Hadlay Arimo La Sugayey [Halkan Eeg]

0
Thursday 11th May, 2017 in Wararkii Maanta by Madaxa Wararka
  • Visits: 1245
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    "Geeska Afrika Waxa Ka Socda Tartan Ganacsi Oo Waxaan Xasuustaa Yaraantaydii…" Madaxweyne Siilaanyo Oo Mudo Badan Ka Dib Jeediyey Qudbad Uu Kaga Hadlay Arimo La Sugayey [Halkan Eeg]

    "Geeska Afrika Waxa Ka Socda Tartan Ganacsi Oo Waxaan Xasuustaa Yaraantaydii…" Madaxweyne Siilaanyo Oo Mudo Badan Ka Dib Jeediyey Qudbad Uu Kaga Hadlay Arimo La Sugayey Halkan Eeg

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Geeska Afrika Waxa Ka Socda Tartan Ganacsi Oo Waxaan Xasuustaa Yaraantaydii…" Madaxweyne Siilaanyo Oo Mudo Badan Ka Dib Jeediyey Qudbad Uu Kaga Hadlay Arimo La Sugayey Halkan Eeg


Hargeysa (Karin-News):- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmd Maxamuud Siilaanyo ayaa qudbad dheer oo taariikhi ah ka jeediyey Munaasibadda Shirkada DP World kula wareegayso maamulka Dekedda Berbera.


Madaxweynaha Ayaa qudbadan kaga hadlay arimo badan oo salka ku haya Muhiimada uu Maalgashigu Leeyahay. Xidhiidhka Somaliland iyo Imaaraadka ka dhaxeeya iyo sidoo kale tartanka ganacsiga Geeska Afrika ka socda.


Ugu Horayn Madaxweyne Siilaanyo Waxa uu sheegay in dariiqa kaliya ee dalka lagu horumarin karaa ay tahay in Somaliland ay la timaado siyaasad Ganacsi oo fur furan oo dunida ka iibisa Fursadaha Maalgashi ee dalku u baahan yahay waxaana uu yidhi. "Mudanayaal iyo Marwooyin casriyeynta iyo balaadhinta Dekedda Berbera waxa ay ahayd Badh Tilmaameedka waxqabadka xukuumadayda Waxaan Aamin sanahay in maanta arinta dalkeena ay ku dhaqaajin karno ay tahay in aynu la nimaadno siyaasad ganacsi oo fur furan taasi oo inoo sahli karta in aynu helno Maal-gashi Caalami ah oo ku dhisan talo-wadaag Waynu tashanaynaa ILLAAHAY baynu talo saaranaynaa Maah Maah Somaliyed ayaa tidhaahda Biyo Sacabadaada ayuunbaa lagaga dhergaa”



Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa uu cadeeyey in Hogaamiye ahaan markasta uu dadaal ugu jiray sidii Dekedda Berbera ay u heli lahayd Maalgashi Caalami Ah isaga oo dadka xasuusiyey in Geeska Afrika uu ka socdo Tartan Ganacsi oo xawli ku socda.


"Mudanayaal Iyo Marwooyin Mandaqada Geeska afrika waxa ka socda tartan Ganacsi oo dhinacyo badan leh kaasi oo waxtar u leh Shucuubta Geeska Afrika Sidaa darteed Somaliland oo ku taal xudun Muhiimad ugu fadhida isku socodka ganacsiga caalamka waxa inala gudboon in aynu la jaanqaadno horumarka ka socda dalalka aynu dariska nahay Aniga oo Hogaamiye ahaan ka duulaya arigtidaa waxa xukuumadda aan gadhwadeenka ka ahay dadaal u gashay sidii Maal-galin loogu heli marsada caalamiga ah ee Berbera Eebe mahadii Riyadaasi way rumowday”


Axmed Siilaanyo oo sidoo kale ka hadlaya Heshiisyada Ganacsi iyo amni ee Somaliland iyo Imaaraadka wakhtiyada uu soo jiray ayaa waxa uu kaga jawaabay arintaasi . "Maal-gashiga Casriyeynta iyo balaadhinta Dekedda Berbera Wuxuu wax wayn ka bedeli doonaa Nolosha iyo dhaqaalaha bulshada Somaliland Waxa kale oo uu dhiirigalin u noqon doonaa fursado ganacsi iyo shirkdo kale oo caalami ah oo dalka Maalgashi ku sameeya Wuxuu kor u qaadi doonaa xidhiidhka aynu la leenahay dalalka Dariska sidoo kale waxa uu kor u qaadi doonaa xidhiidhka inaga dhaxeeya dalalka isku taga imaaraadka carabta kaasi oo ah mid soo jiray qarniyo badan Awoow ilaa ka Awoow”


Madaxweyne Siilaanyo waxa uu hoosta ka xariiqay in Xukuumada Somaliland ay ixtiraam wayn u hayso dalalka Jaarka oo ay leeyihiin dano fara badan waxaana uu yidhi. "Mudanayaa iyo Marwooyin dawlada Somaliland waxa ay ixtiraam iyo qadarin wayn u haysaa dalalka ay dariska yihiin oo aynu dano badan wadaagno Waxaanu aamin sanahay in dadka ku nool Geeska Afrika ay yihiin dad walaalo ah oo dano badan wada leh”


Madaxweyne Siilaanyo sidoo kale nuxurka qudbadan waxa uu ku sheegay in Heshiisyada tirade Badan ee Somaliland iyo Imaaraadku wada galeen ay yihiin kuwo guulo isdaba jog ah horsed ka noqon doona.


"Sida aad la socotaan waxa jira heshiisyo kale oo ay wada galeen xukuumadda Somaliland iyo dawladda Imaaraadka Carabtu kuwaasi oo ah kuwo amniga iyo ganacsiga ah sida Saldhiga Militery iyo Shirkadda Duulimaadyada ee FLY Dubai oo si joogto ah maalin walba u timaada Somaliland heshiiyadaasi waxa xoojinayaan Iskaashiga Labada Dal”


Madaxweynaha Somaliland sidoo kale waxa uu sheegay In xidhiidhka Somaliland iyo Imaaraadka Carabta ka dhaxeeya uu yahay mid soo jireen ah oo uu ilaa iyo yaraantiisii xasuusan yahay waxaana uu yidhi Madaxweynuhu. "Xidhiidhka Somaliland iyo Imaaraadka Carabtu maaha mid iminka bilaamay balse waa soo jireen qarniyo ah waxaan xasuustaa yaraantaydii Markii aan Berbera wax ku baranayey in uu jiray heshiis Ganacsi oo xoogleh oo u dhaxeeyey labada dal” Ayuu Yidhi Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.


Abdirahman Elmi Hersi 


Karin OFFICE

 

 

LATEST NEWS