[TOP NEWS] Boqor Buur-madaw Oo Xukuumadda Kula Taliyay Inaanay Ku Ceeboobin Agoonta Gurigooda Iyo Fariintiisii Ugu Dambeysay Oo Uu Maanta Soo Saaray Boqorku

0
12 May 2017 13:15 in Wararkii Maanta by Xafiiska Hargeysa
  • Visits: 2040
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [TOP NEWS] Boqor Buur-madaw Oo Xukuumadda Kula Taliyay Inaanay Ku Ceeboobin Agoonta Gurigooda Iyo Fariintiisii Ugu Dambeysay Oo Uu Maanta Soo Saaray Boqorku

    [TOP NEWS] Boqor Buur-madaw Oo Xukuumadda Kula Taliyay Inaanay Ku Ceeboobin Agoonta Gurigooda Iyo Fariintiisii Ugu Dambeysay Oo Uu Maanta Soo Saaray Boqorku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

[TOP NEWS] Boqor Buur-madaw Oo Xukuumadda Kula Taliyay Inaanay Ku Ceeboobin Agoonta Gurigooda Iyo Fariintiisii Ugu Dambeysay Oo Uu Maanta Soo Saaray Boqorku





Dubai (Karin News):- Boqor Cismaan Aw Maxamuud Boqor-buurmadaw ayaa goordhawayd si kulul uga hadlay guri ku yaala magaalada hargaysa oo ay ku nool yihiin agoonta uu ka tegay alle ha u naxariistee cabdiraxmaan ducaale oo dawladdii Madaxwayne Cigaal ay u saxeexday gurigaas inuu leeyahay isla markaana uu sharci ahaan maanta laga bilaabo cabdiraxmaan mulkiyaddiisa leeyahay.



Boqor Buur-madaw ayaa si toos ah uga hadlay guriga agoontu ku jirto waxaana uu sheegay in ka shakhsiyad ahaan uu xukuumadda kala hadlay hase ahaatee aan dheg loo jalaqsiin, in kastoo maalintii shalay ahaydna uu si adag uga hadlay Guddoomiye ku xigeenkii hore ee koomiishanka doorashooyinka qaranka Mudane Cali kubad guriga agoonta laga saarayo ee aan xitaa la xeerinayn magaca iyo sharafta uu lahaa marxuum cabdiraxmaan ducaale oo dalka in badan u soo shaqeeyay xaq iyo karaamana ka mudan dawlad kasta oo dalka timaada, Hase ahaatee Mudane cali Kubad ayaa dhaar iyo wacad ku maray in haddii ay dhacdo oo agoonta cabdiraxmaan ducaale laga saaro guriga oo xoog loo isticmaalo in beri ka maalin wasiirada qasriyada waawayn hargaysa ka dhistay iyagana markay caruurtoodu agoon noqdaan xoog lagaga saari doono hadii aan ficilada xun ee agoonta loo isticmaalayo la joojin.



Dhinaca kalena boqor buur-madaw ayaa hadaladii uu ka yidhi guriga agoonta laga saarayo waxaa ka mid ahaa '' Waxaan aad uga xumahay in agoontii ilma cabdiraxmaan ducaale gurigoodii xukuumadu bixiso ama laga qaado anigu shakhsiyan xukuumada waan kala hadlay kamana raali ahi, runtii waxaan aad uga xumahay in aniga ay igu eedeeyaan dad dano siyaasi ah kale marnaba kam araali noqonaayo in la dulmiyo maatada anigana ehel iyo rixim ayaa naga dhexeeya xukuumadana waxaan kula talinlahaa inaanayn ku ceeboobin oo ay tixgeliyaan xuquuqdii iyo xaqii cabdiraxmaan dalkan ku lahaa wabilaahi tawfiiq''





Mustafe Amiir
Karin News Office 
LATEST NEWS