''Heshiiskan saddex geeska ah ee Berbera waa waxba kama jiraan oo sharci maaha, inna Sanweynena u geeya'' Cali Kubad

0
12 May 2017 20:04 in Wararkii Maanta by Head Office
  • Visits: 1222
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ''Heshiiskan saddex geeska ah ee Berbera waa waxba kama jiraan oo sharci maaha, inna Sanweynena u geeya'' Cali Kubad

    ''Heshiiskan saddex geeska ah ee Berbera waa waxba kama jiraan oo sharci maaha, inna Sanweynena u geeya'' Cali Kubad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

''Heshiiskan saddex geeska ah ee Berbera waa waxba kama jiraan oo sharci maaha, inna Sanweynena u geeya'' Cali Kubad

Maalgashi, horuumar, iyo in xidhiidh lala yeeshaa wadamada kale waa wax fiican, bulshada reer Somalilandna way soo dhoweyneysaa. laakiin dee waa in sifo sharciga waafaqsan oo xalaal ah loo maraa, waayo inta wax heshiis-uyaal ah lala galo dalal kale, hadhow ma fiicna in xukuumadaha tan ka denbeyn doonaa ay markaas ka baxaan, iyagoo ku andacooniya inaanu heshiisku min bilowgiiba ahayn wax sharci ku fadhiya.



Madaxda Somaliland illaa iyo 1960-kii waxa ka muuqata inay dhaqan u leeyihiin degdeg iyo fudayd hadhow ummada reer Somaliland usoo jiida dhib iyo halaag aan laga soo kabanin. Madaxdii 1960-kii waxay Somaliya innagu dareen iyagoon aan wax heshiis caalimi ah habayaraatee, aanay kala saxeexan, waana sababta aynu ilaa maantadan qoyan aynu u raadineyno ictiraafkii aynu ka helnay 36 dal oo beesha caalamka ka mid ah 26 Juun, 1960. Waxyaabaha berigaas dabada ka eryayey madaxdii waqtigaas waxa ka mid ahaa inay Somaliland tahay dal yar oo werwer iyo baqdin ka qabta dalka Iyoobiya, sidaas darteed miidnimada markaas lala sameeyaa Somaliyaa, ay baqdin taas innaga saari doonto. Heeshiiskan imminkana waxa ku jira deg deg badan, sharcigii iyo dariiqii labada gole lagu soo mariyey oo ahaa mid labo geesood( bilateral) ka dhaxeeya Somaliland iyo Imaaraadka siiba Dubai, oo iminka laga dhigay ama noqday mid saddex geesood ah(trilateral), oo Itoobiya ay tareenka meel dhexe kasoo fuushay.




Hargaysa (Karin News):-  Guddoomiye ku xigeenkii hore ee koomiishanka doorashooyinka qaranka jamhuuriyadda soomaaliland Mudane Cali Kubad ayaa goordhwayd baraha facebook ku shaaciyay qoraal dheer oo uu kaga hadlayay aragtidiisa ku wajahan heshiisyada caalamiga ah ee magaalada berbera ku dhex maray xukuumadda madaxwayne silaanyo iyo dawladda iskutagga imaaraadka carabta, hase ahaatee waxaa uu xaaraan iyo baadil cad ku tilmaamay Mudane Cali Kubad sida uu u arko isagu heshiiskan waxaana uu yidhi:-



''Hadaba heeshiiskan waxa dayacay labada gole, oo waxa dayacay xisbiyada mucaaridka, oo waxa dayacay hogaanka xisbiga Kulmiye, oo waxa dayacay waxgaradkii ummada reer Somaliland oo dhan, waxaana ka faa'iideystey heshiiskan shakhsiyaad dano gaar ah leh siiba mid hantiyeed, oo gidigeen kabaha la wada dulmaray. Aniguse muwaadin ahaan waan ka badheedhayaa, waayo sida diintu innooga dhaxayso buu dalku innooga dhexeeyaa, oo sida aanu qofna diinta iigu hor caayi karin, baanan ka ogolaanaynin inaa ka aamuso qof distoorkeenii innagu hor kufsanaya. Koley qabyaalada baa dadkii waashay, oo waxaad odhan doontaan reer Jaamacawaal baa dalkii iibasadeye aan wadhayda rito anigoo ah muwaadin reer Somaliland.''

Mudane Cali Kubad oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi   ''Madaxda labada xisbi mucaarid gudoomiye Faysalna waxu noqday mid ka mid ah ragii heshiiska macalhaya ka ahaa, gudoomiye Cabdirahmaan Cirrona isagoo marna ah Gudoomiyihii golaha wakiilada marna ah Gudoomiyihii xisbiga Waddani buu midna kaalintuu ku lahaa ka qaadan waayey. Mucaaridnimadu maaha inaad afar kartoon Oo biyaha aad meel geeso, oo maaha inaad tidhaahdo haddii aan xukuumada ka hadlo reer hebel baan cod ka waayayaa, oo maaha distoorkii dalka ee aad horjooga ka ahayd in maalin walba lagugu hor kufsado, oo maaha inaad siyaasada xukuumada aad si indho la'aan ah isaga daba socotid. Waqti dhoweyd oo uu gudoomiye Cirro isagoo jooga U.K la weediiyey su'aasha ah "maxaad ka yeelaysaa heshiiskan Berbera ee xisbigaagu kasoo hor jeedo haddii aad talada dalka qabataan"? Gudoomiye Cirro waxu ku jawaabey heshiiska ayaanu dib u eegi doonaa. Jawaab taas oo loo micnaysan karo heshiiska waanu ogolnahay laakiin qodobada ayaanu wax ka bedeli doonaa. Gudoomiyaha Waddani laga aqbali maayo heshiiska in la soo mariyo golihiisa, oo uu xisbigiisu diido, oo hadana shacbiga usoo bandhigi waayo mowqifkiisa sidii shalayba dhacday, markii heshiiska lagu kala saxeexanayey Berbera. Ma dadka uu Siilaanyo
sanamka u yahay ee uu codka ka doonayo buu Cirro u hamranayaa, mise xidhiidhka Dubai buu ilaashanayaa, mise xidhiidhka Itoobiya ayuu u hamranayaa inay siyaasadiisa wax yeesho? Bal daba. Faysal isaga waxba odhan maayo!.''



Dhinaca kalena waxaa uu sheegay mudane cali kubad in xukuumadda iyo xisbigeeda kumiye kala yihiin laba kala jaad ah waxaana uu yidhi '' Haddii aynu ka hadalno dhinaca xukuumada, xukuumadu waa laba qaybood oo kala ah, qaybta wasiirada ah iyo qaybta hogaanka xisbiga. Wasiirada iyo madaxda kale ee waaxda fulinta ee heshiiskan dabada ka riixaysaa maaha dad dalka u danaynaya oo u tudhiya, ee waa dad danahooda gaarka iyo hanti ay meesha ka dhaqdaan uun daba socda. Kuwaasna anigu sidii wadaada halkan ka wacdiyi maayo waxna odhan maayo, oo waa dad badheedh iyo is indho tir ku socda. Hadaynu kusoo dhowaano kooxda hogaanka xisbiga, iyagu awood badan kuma laha heshiiskan oo waxba aftaag-taagooda ha arkina,oo runtii waxba meesha kuma hayaan, laakiin waqtiga ayey iibsanayaan oo way is dhowrayaan si aanay hadhow waqtiga doorashada, aanay u waayin taageeradii xukuumada hadii tahay mid dhaqaale iyo tii awoodeedba. Ta kale, dee si cad uguma soo hor jeesan karaan xukuumadii magaca xisbiga ay wadaagayeen. Waxa kale oo gudoomiyaha kulmiye isna sidii gudoomiye Cirro aaminsan yahay in haduu dhufayska ka soo baxo oo diidmo sameeyo, inuu isaguna sidaas ku waayi karo cododkii dadkuu Siilaanyo uu Sanamka u ahaa. Markay arrimihu ay caynkaas yihiin, waxay ahayd inuu gudoomiyaha kulmiye uu si hoose oo xirfadaysan uu uga dhaadhiciyo dadka iminka isaga ka awooda weyn ee heshiiska dabada ka riixaya, oo uu ku yidhaahdo heshiiskan itoobiyaanka daaqada danbe laga soo geliyey maaha mid dalka u dan, haseyeeshee taas wuu ku fashilmay oo waxuu u muuqdaa nin xukuumada is daad raacinaya uun mar walba.''



Ugu dambeyntii Mudane Cali Kubad ayaa hadakiisa ku soo afmeeray sidan :- ''Isku soo wada duuboo, ceeb iyo denbi toona maaha inaynu heshiis la galno dalka Itoobiya laakiin waxa fool xun sida sharci darada ee loogu soo daray. Itoobiyaa waxay i xusuusisaa hadal uu yidhi profisoorka weyn ee Noam Chomsky oo sidan ahaa: Maraykanku waxuu dawlada Israa'iil u hubeysaa oo meesha u dhigtay inay booliis u noqdaan oo shidaalka Carabta halkaas ku ilaaliyaan. Iminka heshiiskan waxa lagu soo mariyey labada gole inay Somaliland leedahay 35% , Dubai-na ay leedahay 65%.
Si ay Itoobiyaa u soo gasho heshiiska waxa Dubai ay siisay Itoobiya 14%, Somaliland waxa laga qaaday 5%. Sidaas awgeed, waxay Itoobiya yeelatay 19%, Dubai-na 51%, Somalilandna 30%. Su'aashu waxa weeye, maxaa Itoobiyaa loo soo geshay meesha? Sidii aan qoraal hore usoo babdhigay waxa la soo sheegay inay Itoobiya 14 markab oo kuwa dagaalka ay soo iibsatey, markaas kow itoobiyaa maraakiibtaas bay Badda Berbera u heleysaa, ta labaad haddii ay Xukuumadaha danbe ee Somaliland ay isku dayaan inay heshiiska kaga baxaan Dubai, waxa markaas taangiyadeeda (Milatery tanks) kasoo dhaqaajineysa Tog-Wejaale dawlada Itoobiya. Isku soo wada xooriyoo, heshiiskani maaha mid sharciyeysan oo dariiqii dhabta ahaa loo maray, waa heshiis ay dad gaar ahi kasii hanti samaysanyaan, laakiin aynu hadhow sidii kii Total oo kale aynu ka bixi karno. Mid uun buu se iminka ku sharciyoobi karaa, taas oo ah iyadoo Imaaraadka iyo Itoobiyaba ay heshiiskan dartii ay Somaliland ku ictiraafaan, haddii kale waxuu heshiisku noqonayaa sidii suugaantii ahayd " oo aad intaas inna hebel ku kuddaa". Dee maxaa inna soo celin kara oo kale?



F:G. Imaaraadka Carabtu waxay xornimada qaateen 2 December 1971 oo ah waqtii aynu Xamar eedaadaney, 11 sano iyaga ka hor baynu xornimadeena qaqdanay. Iminka dal yar Oo dadkiisuba yahay Hal milyan iyo afar boqol oo kun, hadaba yaanay waxeena inoo kala arbaca arbacaynine, ee aynu shaqadeena qqbsano oo horta ictiraaf sidaynu u heli lahayn iyo sidaynu u jari lahayn timahan isugu keen xidhan reer Somaliya aynu ka hawl galno. Dee markaas Ilaahay cidina innagama xigto hadaynu cadaalad isku dhaqno.''

LATEST NEWS