Siciid Sheekeeye Oo Fasiray Caydii Cali Guray Ee Xukuumadda Iyo Faysal Cali Waraabe + Qodobada Uu Faah Faahiyay Iyo [Waxa Soo Kordhay]

0
12 May 2017 21:05 in Wararkii Maanta by Xafiiska Hargeysa
  • Visits: 1094
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siciid Sheekeeye Oo Fasiray Caydii Cali Guray Ee Xukuumadda Iyo Faysal Cali Waraabe + Qodobada Uu Faah Faahiyay Iyo [Waxa Soo Kordhay]

    Siciid Sheekeeye Oo Fasiray Caydii Cali Guray Ee Xukuumadda Iyo Faysal Cali Waraabe + Qodobada Uu Faah Faahiyay Iyo [Waxa Soo Kordhay]

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siciid Sheekeeye Oo Fasiray Caydii Cali Guray Ee Xukuumadda Iyo Faysal Cali Waraabe + Qodobada Uu Faah Faahiyay Iyo [Waxa Soo Kordhay]



Hargaysa (Karin News):- Siyaasi Sheekeeye oo ka tirsan koomishanka doorashooyinka qaranka somalilland ayaa naqdiyay hadal uu maanta uu warbaahinta mariyay Mujaahid Cali Guray oo indha waydba taageere u ahaa Murrashaxa Xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi, hase ahaatee mujaahid cali guray ayaa si xun u aflagaadeeyay Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo markaasi uu ku sheegay inuu lacago baad ah ka qaato xukuumadda madaxwayne silaanyo sidoo kalena xukuumadda iyo xisbiga kulmiye ba ay faysal u adeegsadaan guddoomiye cirro iyo ciddii kale ee ka soo horjeesata.



Cali Guray ayaa carrabkiisa ku adkeeyay in Faysal Cali Waraabe uu u qaatay lacag xaddigeedu dhan yahay 400.000 kun oo doolar taas oo  ay xukuumaddu siisay iyo lacago kale, hadaba goordhwayd waxaa isna cali guray u jawaabay Siyaasi Siciid Sheekeeye oo koomishanka doorashooyinka Qaranka Soomaaliland madax ka sidoo kalena wasaaradda Macdanta Iyo Tamartana qayb wayn  masuul ka ah oo markaasi ah dhanka qarash bixinta iyo lacagaha wasaaraddu bixiso oo isaga la soo mariyo waxaana uu yidhi siciid sheekeeye sidan :--


''Waa yaab iyo yaab iyo yaabka yaabkiis "Talow Cali Guray goormuu noqday taageeraha xukuumada, sawkii afkiisa ka lahaa anigu inaadeerkey baan taageeray ee kulmiye iyo xukuumadaba ma taageersani".
Ali guray warsaxaafadeedkan hoose ma xakuumada uu leeyahay waan taageersanahay buu caayayaa, mise Faysal Ali waraabe.
Ninkii dhuumanaayee dhabarku muuqday waar dharaar lagu dhoorayaale ..Caliyaw Muuse biixi iyo Bariga Burco waa is yaqaaniin ee eeshaa haddal..''





Image may contain: text




Karin News
Offie
LATEST NEWS