masuul dhaliisha waxa keena saluug laga muujiyo xil-gudashadaada!!

0
Friday 12th May, 2017 in Aragtida Dadweynaha by Tafatiraha Guud
  • Visits: 63
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    masuul dhaliisha waxa keena saluug laga muujiyo xil-gudashadaada!!

    Waxa aan muran ku jirin in diinteena suuban ee islaamku inoo bayaamisay ,culayska ay leedahay xan-baarashada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa aan muran ku jirin in diinteena suuban ee islaamku inoo bayaamisay ,culayska ay leedahay xan-baarashada
amaannadu,iyo adayga ay leedahay in qofka xil loo igmaday ,uu uuga soo baxo si hufan xil-gudashadiisa.

Ilaahay "subxaanahu wata-caalaa" isaga oo inoo bayaaminaaya qaadashada amaanada iyo culayskeeda, waxa uu qur -aankiisa kariimka ah inoogu iftiimiyey aayad muc-naheedu yahay sidan soo socota:-

"waxa aan u soo ban dhignay amaanada samooyinka,dhulka iyo buuraha,waa ay diideen xan-baarashadeeda, waxa qaatay oo tunka u ritay aadame".


Nebigeena suuban(naxariis iyo nabad -galyo korkiisa ha ahaatee)waxa uu xadiis inoogu sheegay isaga oo ina tusaaya in ay tahat wax culus amaanada oo la qaadaa adagtahayna ka soo bixi taankeedu qofkana laga xisaabin doono ,waxa uu yidhi suubanahu

"qof kastaa waa masuul waxa uu masuul ka yahay waxii loo diray waana la weydiinayaa".

hadaba masuuliyadu waxa ay ka bilaaban taa kan uugu sareeya ilaa ka uugu hooseeya.
tusaale ahaan madaxweynaha qaranka ayaa ah halka uugu saraysa ,waxaana uugu hoosaysa afada gurugeeda joogta.

qof kasta oo masuul ahi waxa uu masuul ka yahay waxii loo diray;waana xisaab u taal haddii aan ifka lagu xisaabun maalin baa jira ay qoorta u sudhantahay su'aasheedu meel uu uuga baxsadaana ayna jirin.

qofka masuuulka ah waxa laga rabaa in aanu ku tagri falin xilka uu hayo,isaga oo uuga faa'iidaysta dano shaqsi ah.

masuul maanka ku hay in aad tahay adeege bulsho ,uugu adeeg inta awoodaada ah.

dhaliishw waxa keena in saluug laga muujiyo ,hawsha aad bulshada u hayso iyada oo lagu qanci waayo ,qaabka aad wax u wado.
soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa"nin xil -qaaday eed qaad"

eedu laguu soo jeedinayaa maaha mid adiga shakhsi ahaan laguu eedeenaayo ,eeda waxa iska leh xilka aad hayso iyo kursiga aad ku fadhido xil-gudashadiisa haddii aad si haboon uuga soo bixi weydo waa lagu dhaliilayaa.

" hebal maxaa uu qabsaday intii la magacaabay ka dib"

waxa wax laga xishoodo ah in bulshada laf taydu ay ku dhiiri gali-nayso , in masuulku uu ku dhaqaaqo boob hanti u madeeda oo ku tagri falo ,cashuur dad masaakiin ah laga soo ururiyey ahaydna in iyaga dib loogu celiyo , laguna daboolo baahiyahooda.

"ha is odhan cidi kuma arkaysee afka buuxso, ha is odhan cidi kuma arkaysee qalin ku aarso, nin xil-qaaday eed qaadyee"

waxa ay ina tusayaan dhibta ay leedahay qofka si dadban uuga faa'iidaysta xilka uu hayo.

"inta maanku gaajaysan yahay guuli waa wali."

inta aad ku fikirayso qofkii wax kaa qora ama dhaliila ,qaabka xil-gudashadaada,aad ku fikirto in aad xadhig la miciinsato guul kaa dheer.

waxa aad ku sifoobi maahmaahdii ahayd

"wax-matare meeshana kama tage"
waxa aad qabataa waxa uu ka muuqan meesha aad joogto, masuulyadaadu ha ahaato ta uugu saraysa ,ana tan gudoomiye dagmo oo ah halka uugu hoosaysa xil qaran.

taariikhdu waa mahadho waa sooyaal taxane ah ,baalasha dahabka ah ee diwaankeedu waxa ay qorayaan waxii aad gashato ha samaato ama ha xumaato.

dhiganahaa taariikhdu waa halka lagaa akhrisan doono .
maalmuhu maanta uun maaha ,waayo way danbeeyaan ,aragtidaadu ha fogaato ha dhaafto hoosiiska kuu muuqda maanta.

wabilaahi tawfiiq

Qalinkii: maxamed xuseen jaamac(m.soomaali)

ababiye 11@gmail .com

063 4410447
LATEST NEWS