DALKANI WUXUU DOONAYAA (HEES CUSUB OO KU SOCOTA DHAMMAAN CODBIXIYAYAASHA SOOMAALILAND 2017 ).

0
Saturday 13th May, 2017 in Aragtida Dadweynaha by Xarunta Dhexe
  • Visits: 84
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DALKANI WUXUU DOONAYAA (HEES CUSUB OO KU SOCOTA DHAMMAAN CODBIXIYAYAASHA SOOMAALILAND 2017 ).

    DALKANI WUXUU DOONAYAA (HEES CUSUB OO KU SOCOTA DHAMMAAN CODBIXIYAYAASHA SOOMAALILAND 2017 ).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

DALKANI WUXUU DOONAYAA (HEES CUSUB OO KU SOCOTA DHAMMAAN CODBIXIYAYAASHA SOOMAALILAND 2017 ).


Heestani waxay u sheegaysaa dhamaan codbixiyayaasha soomaaliland ninka ay dooranayaan ee u qalma hogaanka dalkooda iyo shacabkoodu sifaha ayku dooranayaan nooca ay yihiin iyagoo maanta aan midkoodna ragga doorashada u taagan uusan ahayn mid Ku cusub yaqaaniina waxay galaan iyo waxay gudaanba . kusoo dhowaada midhaha heesta idinkoo aadu dhadhansan doona .

Dalkani wuxuu doonayaa
Siyaasi dulqaad lehoo
Dadkiisa hogaamiyoo
Waxay doonaan la raba

Dalkani wuxuu doonayaa


Dunidu nimay jeceshahoo
Damiin xidhan lama noqdee
Siyaasada doorka gala

Dalkaagoo horumariyo
Hadaad doonaysid qaran
Codkaaga hadaayicine
Ucidka dalka loo gartiyo
Dooroo faysal ugu deeq
****************************

Dalkani wuxuu doonayaa
Nindiida qabyaaladoo
Dadkiisana kala qoqobin
Shacabku daacad u arkaan

Dalkani wuxuu doonayaa
Dunidan laynaga xidhxidhay
Derbega ina kala dhexyaal
Ninkaynaga dumin lahaa

Dalkaagoo horumariyo
Hadaad doonaysid qaran
Codkaaga hadaayicine
Ucidka dalka loo gartiyo
Dooroo faysal ugu deeq
****************************

Dalkani wuxuu doonayaa
Ninkii dimoqraadiyo
Dadkiisu u siman yohoo
Waxsoosaar kuugu dara

Dalkani wuxuu doonayaa
Digtaytar nimaan ahayn
Intuu shacabkiisa dilo
Cadawgu ugusoo darsamo

Dalkaagoo horumariyo
Hadaad doonaysid qaran
Codkaaga hadaayicine
Ucidka dalka loo gartiyo
Dooroo faysal ugu deeq
****************************
QORE : maxamed aadan axmed
Siyaasi madax banaan /baadhe siyaasadeed

LATEST NEWS