[Sports] Kooxaha Manchester United Iyo Arsenal Oo Si Xoogan Ugu Dagaalamaya Saxiixa Daafaca Kooxda Atletico Madrid Iyo Xulka qaranka Uruguay Ee José Giménez

0
14 May 2017 07:55 in Wararkii Maanta by Xafiiska Hargeysa
  • Visits: 217
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Sports] Kooxaha Manchester United Iyo Arsenal Oo Si Xoogan Ugu Dagaalamaya Saxiixa Daafaca Kooxda Atletico Madrid Iyo Xulka qaranka Uruguay Ee José Giménez

    [Sports] Kooxaha Manchester United Iyo Arsenal Oo Si Xoogan Ugu Dagaalamaya Saxiixa Daafaca Kooxda Atletico Madrid Iyo Xulka qaranka Uruguay Ee José Giménez

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

[Sports] Kooxaha Manchester United Iyo Arsenal Oo Si Xoogan Ugu Dagaalamaya Saxiixa Daafaca Kooxda Atletico Madrid Iyo Xulka qaranka Uruguay Ee José Giménez

Wargeyska Daily Mail ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Kooxaha waaweyn ee horyaalka Premier League ay si xoogan ugu dagaalamayaan saxiixa daafaca kooxda Atletico Madrid iyo xulka qaranka Uruguay ee José Giménez, waxaana kooxahaas qeyb ka ah Manchester United iyo Arsenal.

Daily Mail ayaa wuxuu sidoo kale daboolka ka sii qaaday in kooxaha Manchester United iyo Arsenal ay si weyn u doonayaan lasoo saxiixashada José Giménez suuqa xagaaga soo aadan, si ay ugu buuxistaan qeybta dambe ee daafacyadooda si xili ciyaareedka soo aadan ay ugu dagaalamaan horyaalka Premier League.




José Giménez ayaa heshiiska uu kula jiro kooxdiisa Atletico Madrid waxaa qeyb ka ah in lagu kansali karo qiimo dhan 60 million euros, iyadoo kooxaha doonaya inay wada hadalo la galaan dhigooda reer Spain ay ku qasbanaan doonaan bixinta qiimaha kor ku xusun heshiiska Giménez.


Kooxaha Manchester United iyo Arsenal ayaa haatan dagaal xoogan ugu jira sida ay qeyb kag noqon lahaayeen Champions League-ga xili ciyaareedka soo aadan, waxayna labada macalin José Mourinho iyo Arsene Wenger kasii shaqeenayaa sida ay ku xoojin lahaayeen safafkooda si ay ugu dagaalamaan tartamada ay qeybta ka noqon doonaan uu ugu horeeyo Premier League.


LATEST NEWS