Wasaaradda Waxbarashada Oo Ardayda Dalka Wax Ka Barata Ku Sheegtay Kuwo Lagu Qasaaray + DP- World Oo Sabab U Ah Iyo Masuul Madaxweynuhu Magacaabay Oo Arimo Xaasaasi Ah Sheegay

0
Sunday 14th May 2017 18:18:50 in Wararkii Maanta by Madaxa Wararka
  • Visits: 485
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Waxbarashada Oo Ardayda Dalka Wax Ka Barata Ku Sheegtay Kuwo Lagu Qasaaray + DP- World Oo Sabab U Ah Iyo Masuul Madaxweynuhu Magacaabay Oo Arimo Xaasaasi Ah Sheegay

    Wasaaradda Waxbarashada Oo Ardayda Dalka Wax Ka Barata Ku Sheegtay Kuwo Lagu Qasaaray + DP- World Oo Sabab U Ah Iyo Masuul Madaxweynuhu Magacaabay Oo Arimo Xaasaasi Ah Sheegay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaaradda Waxbarashada Oo Ardayda Dalka Wax Ka Barata Ku Sheegtay Kuwo Lagu Qasaaray + DP- World Oo Sabab U Ah Iyo Masuul Madaxweynuhu Magacaabay Oo Arimo Xaasaasi Ah Sheegay


Hargeysa (Karin-News):- Wasaaradda Waxbarashada Somaliland ayaa Ardayda dalka wax ka baratay iyo kuwa wakhtigan wax dhigtaba ku dhaliishay in ay sixi kari waayeen sababta Saamiga Dekedda Berbera loo siiyey Wadanka Itoobiya.


Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Pro. Cabdi Cali oo qoraal ku baahiyey barta uu Facebook ku leeyahay waxa uu yidhi. Waxan maalmahanba rogayay bogagga Face-buugga. Marka laga reebo midhadh aad u yar waxa aqlabiyaddu isku raacday in ay qalad tahay saamiga Ethiopia ka qaadatay dekadda Berbera.



Waxa halkaa iiga soo baxday in mustawaheena tacliintu aad u liito. Wax badan may soo kordhin dhalintii Jaamacadaha ka baxday. Waan ka xumahay in aanay fahmin badidoodu sida adduunku u shaqeeyo maanta. Way Way back. So sorry for that.


Adeer Dpi-world ma aha shirkad waddaniya oo Imaaraatiya. Waa shirkad caalami ah (international not national). Maxaad ka ogtahay waxa ku jiri kara china, USA, UK oo sheer ku yeelan kara. waa la soo dhaafay adeer xilligii shirkadaha waddaniga ah.


Haddii share ay siiyeen Itoobiyaanka iyagaa xor u ah DP-world. Waa la soo dhaafay xilligii qawmiydaha ama diimaha la isu dili jiray. Immika arrinku waa dagaal ganacsi iyo dhaqaale.” Ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashadu.


Abdirahman Elmi Hersi 


Karin OFFICE

LATEST NEWS