ETHIOPIA MAKU YEELAN KARTAA SAAMI DEKEDA BERBERA ?

0
Monday 15th May, 2017 in Aragtida Dadweynaha by Xarunta Dhexe
  • Visits: 79
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ETHIOPIA MAKU YEELAN KARTAA SAAMI DEKEDA BERBERA ?

    ETHIOPIA MAKU YEELAN KARTAA SAAMI DEKEDA BERBERA ?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ETHIOPIA MAKU YEELAN KARTAA SAAMI DEKEDA BERBERA ?



Reer Somaliland marka hore aad iyo aad ayaan u salaamayaa dhamaantood meelay joogaanba waxaan doonayaa arin yaroo xasaasiyaa inaan ka hadlo oo ah arintan19%ee dalka ethoipia ku yeeshay dekeda somaliland ee berbera oo dad badani ay ka argagaxeen dad badanoo kalena siyaaba kale ugu muuqatay anoo doonaya inaan uga hadlo si waaqaca oo run ah ama xaqiiqda siday tahay ah maaha siyaasiintu waxay dadku u sheegaan dadka qaar 




waxaa laga yaabaa inay layaabaan Ethiopia bada malaha shirkada maalgalinaysay ee DBWorldna maaha marka sidee bay share ama qayb ama saami ugu yeelan kartaa ganacsiga halkaa ka soo baxaya waxaynu Ogeyn inuu heshiishku ahaa 65% inay lahayd DBWorld somalilandna 35%ay ku yeelanayso dhinaca adeega dekeda berbera iyo heshiiska dhisida wadada Bebera corridor oo ah wadada isku xidhaysa Ethiopia iyo somaliland sidoo kalena hadhow wixii ganacsi halkaa ka yimaadana ee canshuura ay hawlkale tahay oo runtii u muuqatay heshii logic oo macquula laakiin wasiirka ganacsigu somaliland wuxuu sheegay in 19% qaateen dowlada ethoipia laakiin ma sheegin oo weriyaha ayaan sii dhamaystirin wareysigii waxay ahayd inuu su'aasha sii raaco oo uu weydiiyo 65% iyo 35% ayaa lakala lahaa DBWord iyo somaliland halkay ku yeelanaysaa Ethiopia saamiga 19% ah ileen maqayb samayo ma 



DBWord bay ku yeelanaysaa oo laga jaray ma somaliland baa laga jarayaa mise labadooda midba qayb baa laga soo jarayaa marka weriyuhu si balaadhan umuu weydiin oo waxay ahayd inuu sii galo oo ay cadaadaan laakiin afhayeenka madaxtooyada oo ka hadlay asagoo ku soo hadal qabsaday wareysigii wasiirka ganacisiga wuxuu sheegay afhayeenka in 46% ay DBWorld leedahay 19% ethoipia ay ka iibisay 35% ay leedahay somaliland markaa su'aashu waxay tahayEthiopia maku yeelan kartaa saami dekeda berbera ?Haa way ku yeelan karaysaa sababta ay ugu yeelanaysa waxa weeye Ethiopia waa 100Milyan iyadaa lala ganacsanayaaDBWorldnaimaashiyaha ay imaanaysaa berbera qayb bay ka tahay inay 100Milyan oo bilaa badi oo somaliland la jaar yihiin ay la ganacsadaan dhanka kale waxay isticmaalaysaa dalka Ethiopia siyaasad la yidhaahdoBargaining Cheapmarka laba wadan heshiis ganacsi galayaan siyaasadaainternational tradewaxa uu keenaa bargaining cheap, Ethiopia waxay leedahay anigu 100Milyan baan ahay dalkan somalilandna la jaar baan ahay waxaana jira16 Wadanoo Africa ku yaal oo bilaa bada ethiopiyana waa albaabkii laga galayey 16kaa Wadan ee Africanka ah shirkadanDBWorldnawaxay doonaysaa wadamadaa bilaa bada ah inay berbera ay adeeg uga sameeso agabkeeda iyo alaabteeda ka gaarsiiso markaa Ethiopia waxay fadhiisanaysaa bargaining cheap gorgortan weyn bay galaysaa oo ay ku gorgortamayso heshiiskaa xundhurta ay u tahay iyo inay somaliland wadan jaar la ah oo bilaa bada ay tahay sidoo kale ay ku xidhan tahay 15kale oo wadan oo bilaa bada iyo iyada ,Ethiopia waxyaalaha ay miiska soo dhigayso oo aad u araktaan macquul inay heshiiska saami ku yeelan karto inkastoo saamigu ila badan yahay hadana Ethiopia waxay isticmaalaysaa waxaan u dhexeeyaa wadamadaa bilaa bada iyo somaliland tirikoobkii ugu dambeeyey ee Ethiopia laga qaaday waxa weeyaan 



99,300,000 Sagaal iyo sagaashan milyan iyo sadex boqol oo kun oo qofood waxay Ethiopia ay jaar latahaySouth Sudanoo bilaa bada oo ay DBWorld fursad u arakto inay wax gaarsiin karto waliba shidaal leh oo qani noqon kara mustaqbalka dhow wallow maanta colaadi ka jiraanSudanoo ay jaar layihiin ay bad leedahay laakiin khilaaf ka dhaxeeya uu jiro oo mar walba u baahanaya in meel kaloo alternative ah ay helaan markaa DBWorld iyo Ethiopia taasay arkayaan wadankaa south sudan laftiisu wuxuu jaar layahayUgandaDBWord dan bay ka leedahay waxaa ku sii xigaCenteral African Republicoo bilaa bada waxuu jaar la sii yahayChad ( Jaad )kaasina wuxuu jaar la siiyahayNeyjar,Maalibaa ku sii xigtaBurgina Fansoayaa ku xigta markaa Ethiopia waxay leedahay intaasoo dal ayaan isku xidhayaa oo bilaa bada ilaa galbeedka Africa oo iyada la'aanteed aan suurta gal ahayn markaaDBWorddhegahay taagaysaa saamigana waa qasab inay wax ku yeelato sidoo kale somaliland qudheedu Ethiopia la'aanteeda waxba u suura gali kari maayaan in dekedan baayac mushtarkan intaa le'eg lagu sameeyo Ethiopia la'aanteed berberana ma shaqeen karto laakin Ethiopia waxay qaadatay saami aad u weyn oo laga filayn .

Hadaba maxaa faa'iida ugu jira somaliland arintan ? waxa faa'iida ugu jira oo ah inay berbera noqotointernational regional tradeoo ay quudiso 16kaa wadan ee Africa ku yaal ee bilaa bada ah bal markaa qiyaas berbera dhaqaalaha ka soo baxaya in dhowr boqol oo milyan oo qof inay ganacsi la sameeso oo halkaa kakala gooshaan berbera danta ugu jirta iyo tartankaa caalamku ka socdo wax weeye in dhinaca ganacsigaa oo ah shaqa abuurista somaliland oo dadkii aad u shaqa la'yihiin ayey wax ka tari kartaa taa lafteedu faa'iida weyn weeyeSpecial Politicsayey wax ka taraysaa qadiyada somaliland ayey wax ka taraysaa meeshaas haday dhaqaaqdo oo hawl wanaagsan socoto oo ganacsi weyn yimaado amaanka dadka iyo mandiqada ayey wax ka taraysaa sababtoo ah dadka haday jeebadahooda lacag soo gasho dadku way xasilaan noloshoodaa hagaagta oo guri iyo gaadhi buu helaa shaquu helay marka wax wanaagsan buu ka fikirayaa laakiin dhinaca kale layskama indha tiri karo indisadvantageuu yahay saamiga 19% ee Ethiopia 



arin kaloo khatara ayaa jira waxay noqonaysaa wax walboo la dhaqaajiyo waxay leeyihiin faa'iido iyo khasaaro hadii faa'iidadii ay noqotay in qadiyadii ay wax katarayso ,shaqa abuuristii ,amaanka ,ganacsigeena iyo sidaynu u ekaanayno ay qayb weyn ka qaadanayso dhinac kalena wuu jiraa laakiin waa in laysku qiyaasaa oo kan badan la qaataa mar walba , Hadaba Mustaqbalka dhibaato amaanka ah maku keeni kartaa hawshan ? Haa ayey noqon kartaa hadii qalalaaso ka yimaado berbera iyo somaliland qudheeda Ethiopia waxay fursad u helaysaa inay ciidan keeda soo galiso somaliland oo ay tidhaahdo 19% saami ah oo lacag intaa le'eg ah oo aan ku leeyahay ayaa jira dekedaa berbera iyo somaliland amaankaygaan ilaashanayaa oo dhaqaalahaa meeshaa iigaga jiraan ilaashanayaa ayey leedahay oo wey soo gali kartaa sharciga aduunyadana u diidi maayo cid ka hor joogsan kartaana ma jirto markaa ciidamo Ethiopiana oo ku soo gala maxaa natiijadoodu ka dhalan karta ayaa isweydiin leh khasaaraha labaad ee ku jiraa waxa weeye iyadoo ganacsiga intaa le'eg muuqdo ayaa ilaa hada Reysul wasaaraha Ethiopia waxa uu leeyahay somaliland qadiyadeedu ma ictiraafsani mana ictiraafayno si badheedha idaacadihii uga sheegayaa oo ku celcelinayaa arintan ahmiyada leh ee ganacsigaa ee Ethiopia danta weyn ugu jirtaa meesha wey ka muuqataa marka su'aashu waxay tahay maxay Ethiopia damacsantahay ? waa su'aal inay ka jawaabaan ay tahay masuuliyiinta somaliland ee xukunka maanta u haysa marka somaliland dadkeeda maanta waliba dowlada waxaan ka doonaynaa inay nooga jawaabaan hadii mashaakil yimaado ciidanka Ethiopia wuu soo galayaa meeshii ma sidaasaad go'aamiseen ama 19% saamiga ahi xaguu ka go'ayaa ? markaa su'aalahaana waxaan u dhaafayaa dowlada .

 

LATEST NEWS