Wixii Aan Ku Soo Arkay Dhaqtarka Weyn Ee Hargaysa ( golofesyo soo iibso ) qaybta 1aad, Qalinkii Cabdi Cawiye -

0
Tuesday 16th May, 2017 in Aragtida Dadweynaha by Xarunta Dhexe
  • Visits: 110
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wixii Aan Ku Soo Arkay Dhaqtarka Weyn Ee Hargaysa ( golofesyo soo iibso ) qaybta 1aad, Qalinkii Cabdi Cawiye -

    Wixii Aan Ku Soo Arkay Dhaqtarka Weyn Ee Hargaysa ( golofesyo soo iibso ) qaybta 1aad, Qalinkii Cabdi Cawiye -

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wixii Aan Ku Soo Arkay Dhaqtarka Weyn Ee Hargaysa ( golofesyo soo iibso ) qaybta 1aad, Qalinkii Cabdi Cawiye - Ka dib tacab iyo dhibaato iyo jahanwareer inantii yarayd waxaa lagula cararay cibitaalka wayn ee magaalada hargeysa saacadu waa abaaro 8:30 habeenimo


Mid kale oo askarta ka mid ahaa ayaa xabad si kama ah iskaga riday dabdeed waxa ay haleeshay inan dayar ah oo gurigooda kasoo baxday oo da’deedu ahayd 14
14 bisha may goor ay tahay 7:58 daqiqo xaafada goljano ayaa waxa meel dukaana soo galay inan yar oo ay eryanayaan laba askari markiba ninkii dukaanka ayaa la hadlay askartii oo yidhi " waar waa inankii dukaanka ila hayey ee ciyaalo xaafadkii maaha ". Haba odhan lahaydee mid askarta ka mid ahaa ayaa dhibaaxo dhabanka kaga balaadhiyey mulkiilihii dukaanka dabadeed dumar ka dhawaa meesha ayaa dhawaaqo iyo qaylo isku daray ka dib dumar badan ayaa soo ururay oo meeshii kusoo xoomay.






sanno inanta yar xabadu waxay ka dhex baxday caloosha oo ay jiidhay.

 

Ka dib tacab iyo dhibaato iyo jahanwareer inantii yarayd waxaa lagula cararay cibitaalka wayn ee magaalada hargeysa saacadu waa abaaro 8:30 habeenimo kadibna waxaa la geeyey goobta qalinkii markii aanu masuuliyiintii loo tagay hadalkii u horeeyey ee lagu yidhi waxay ahayd "masoo bixiseen lacagtii qaliinka" yaab amakaag iyo anfariir inan meesha taagnaa oo qoyska inanta yar ka mida ayaa ku yidhi " walaal lacag la waayi maayee nafbaa go’aysee horta inanta yar badbaadi”. Yaab waxa uu ugu jawaabay ninkii qaybt qaliinka haystay "kaadhkii lacagta aad ku soo bixisay oo aad ii keento mooyaane ha u fadhiyin in far la saaro "

Allahu akbarhadada inanta yar waxaa xabada ku dhuftay waa askari dawlada ka tirsan waxa loo diidayaana waa dhaqtarkii dawlada, intaa ka dib waxaa lacagti soo bixiyey inan khayr badan oo ehelada ka mida. Markii uu keenay kaadhkii ayaa waxa kazoo yeedhay masuulkii dhaqtarka dawooyinkaa soo iibso gacamo-gashi ama ( gloves) na soo iibso iyo 8 irbadood oo number 2 ah.

Haddaba markii lasoo iibiyey ayaa waxa kasoo yeedhay ninkii masuulka ahaa inantu waa bilaa dhiige dhiig dad u shuba keena, waxa lagu yidhi dhaqtarkii inanta dhiiga baanka yaala noogu sii shub aanu dad la dhiiga aanu doonanee intii uu meeraysanaayey ayaa waqtigii gaadhay10:30 habeenimohada u fiirso saacada la keenay inanta dhiigu ka socdaana waa8:30 habeenimowaa immisa waqtiga ay inantu qaliinka sugaysay

(10:30pm - 8:30 pm = 2 hours )

Bal hada u fiirso waqtiga ay dhaqtarka iyo qaliinka sugaysay waa2 saacadoodwaana qof nolol iyo geeri u dhaxaysa

Yaa inoogu wacan in dadkeena muwaadiniinta dawadii hayaduhu bilaash ku bixiyeen dadkii kaba dhintaan.

Immisa qof ayaa u dhinta lacag daraadeed dhaqtarka guud ee caasimada.

Waxaan soo gubindoonaa maqaalada dambe dad badan oo aan waraysatay oo qaarkood ay ii sheegeen in shaqo xumo iyo iimaan la,aan dhaqaatiirta haysata daraadeed ay u waayeen caruurtoodii oo lagala daahay gargaarkii qaliinka lacag daraadeed

LASOCO……..

TELL 0634115877

GMAILSHAYWAAL12@GAMIL.COM

HOTMAILCAWIYE17@LIVE.COM

LATEST NEWS