Lacag Suuqa Lagu Sii Daayey Sicir Bararka Xal Waara Ma U Noqon Kartaa?

0
Tuesday 16th May, 2017 in Aragtida Dadweynaha by Xarunta Dhexe
  • Visits: 101
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Lacag Suuqa Lagu Sii Daayey Sicir Bararka Xal Waara Ma U Noqon Kartaa?

    Lacag Suuqa Lagu Sii Daayey Sicir Bararka Xal Waara Ma U Noqon Kartaa?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Lacag Suuqa Lagu Sii Daayey Sicir Bararka Xal Waara Ma U Noqon Kartaa? Lacag wal oo adag oo Wasaaradda iyo Baanka Dhexe ay sii daayaan waxa hubaal ah in ay dibedda u bixi doonto oo aaney dalka gudahiisa marnaba ku nagaan doonin.


Lacag suuqa lagu sii daayey iyada oo aan siyaasad riixaysaa jirin (Foreign Exchange Controls) wax badan soo kordhin mayso. Sababtu waa in marka horeba suuqu dollar u baahan yahay dibedda loo saaro.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyaddu waxa ay goor dhaweyd caddaysay in ay lacag suuqa ku sii dayn doonaan si qiimaha dollar-ku uu hoos ugu dhaco. Arrintan cid ka talisay ma ogi, laakiin ma shaqayn kartaa in la iswaydiiyo waa laga ma maarmaan.

Lacag wal oo adag oo Wasaaradda iyo Baanka Dhexe ay sii daayaan waxa hubaal ah in ay dibedda u bixi doonto oo aaney dalka gudahiisa marnaba ku nagaan doonin. Waayo wax walba dibedda ayeynu kala soo degnaa, wax





soosaar weyn oo aynnu beddiil uga dhignaana ma jiro.

 

Keliya waxa ay arrintan Wasiirku shaqayn kartaa haddii xaalku abbida yahay oo markii dollar-ku yaraadaba dib suuqa lacag loo gu sii daynayo (Money Injection). Taasina ma aha mid suura-gal ah oo mar walba la ma heli karo in lacag suuqa lagu sii daayo.

Waxa kale oo iyana mucjiso ah in Wasiirku ay ku hanjabto in ay dawladdu noqon doonto mid suuqa ka dhex baayacmushtaraysa (A State-Owned Enterprise (SOE). Ammuurtani waa mid aad loo ga yaabo; waayo waa mid aan sinaba suura-gal u ahayn!

Waa nidaamkii Soviet Union kii xooga weynaa burburiyey, si wal oo dawladi iskugu daydana waa mid laga dhaxli karo faqri, dhaqaale burbur iyo in aakhirka la is cuno oo nolosha oo dhammi kadaloobsato.

Haddii se ay dawladdu rabto in ay suuqa lug ku yeelato, iyada oo aan handadaad sameyn waxa aan u soo jeedin lahaa saddex arrimood:-

1. In ay ku dadaasho in biyo xidheenno lacagta ay maraakiibta raashinka ah ku keenayso ay ku sameyso, si ay u abuurto dhul beereed, u sameyso iskaashatooyin waaweyn oo beeralay ah si Food Security ga waddanku 20% kor ugu soo kaco. Arrintani waxa ay yareynaysaa dollar-kii faraha badnaa ee suuqyada uga baxayey si dibedda wax loo ga soo iibsado.

2. Samaynta mashaariic milixda ah, si ay dheeli tir ugu sameyso jaadka lacagta adag dalka ka saaraya goor iyo ayaan. Arrintani iyana waxa ay yareynaysaa baahida dollar-ka ee suuqa ceegaagta.

3. In ay dalwaddu ku dadaasho in lacagteena SLsh la qoolo (Pegged Currency) si aynnu uga nabad galno sabbaynta lacagta Somaliland ee aayo-beelka ku dhaw (Fluctuation and the Capital Flight).

Go’aan talo iyo garasho ka horreyso ayaa ummadi ku meel martaa ma ogiye, haddii dawladnimada bilaash xaydato waa faashil iyo in qaranku geedkaa gaadhi kari waayo.

W/Q Mohamed Hagi Mohamoud

LATEST NEWS