[SIR HOOSE] Karin News Oo Gacanta Ku Soo Dhigtay In Maayar Carablow Fiise Maraykanka Ah Ay Haweenay U Damiinatay Iyo Dalka Jabuuti Oo Uu U Ambabaxi Doono

0
17 May 2017 02:40 in Wararkii Maanta by Head Office
  • Visits: 731
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [SIR HOOSE] Karin News Oo Gacanta Ku Soo Dhigtay In Maayar Carablow Fiise Maraykanka Ah Ay Haweenay U Damiinatay Iyo Dalka Jabuuti Oo Uu U Ambabaxi Doono

    [SIR HOOSE] Karin News Oo Gacanta Ku Soo Dhigtay In Maayar Carablow Fiise Maraykanka Ah Ay Haweenay U Damiinatay Iyo Dalka Jabuuti Oo Uu U Ambabaxi Doono

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

[SIR HOOSE] Karin News Oo Gacanta Ku Soo Dhigtay In Maayar Carablow Fiise Maraykanka Ah Ay Haweenay U Damiinatay Iyo Dalka Jabuuti Oo Uu U Ambabaxi Doono



Hargaysa (Karin News):- Maayarka caasimadda hargaysa Mudane Cabdiraxmaan Caydiid Solteclo ayaa ugu dambeyntii waan waan ugu jira sidii uu u heli lahaa fiisaha dal ku galka waddanka maraykanka oo dhowr jeer oo hore loo diiday hase ahaatee maayar carablow ayaa goordhow u safri doona magaalada jabuuti ee dalka jabuuti oo uu u yaalo fiisaha uu ku geli doono waddanka maraykanka .




Mudane carablow waxaa damiinatay haweenay maayarad ka ah magaalada nashfil ee dalka maraykanka oo ay kala hadleen jaaliyadda soomaaliland ee ku sugan magaalada nashfil, hase ahaate maayar carablow ayaa jaaliyaddda iyo maayaradda ka dalbaday inay fiisaha ugu darto mid ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka magaalada hargaysa kaas oo magaciisa la yidhaahdo Mudane Maxamed Cabdi yoon ama Maxamed cabdi aadan, in kastoo xildhibaankan uu liiska ku darsaday mudane carablow uu hadda haysto fiisaha balse maayar carablow ayaa u ambabaxaya magaalada jabuuti goordhow sidii uu uga heli lahaa fiisaha haweenaydan u damiinatay maadaama oo aaminada maayar carablow dalal badan oo qurbaha ku yaalaa ay aamini waayeen sida ingiriiska, Norway , iyo kuwo kale .



Sidoo kale waxaa la filayaa haddii uu ku guulaysto maayar carablow inay kulan ku yeelan doonaan magaalada nashfil maayaradda magaaladaasi taas oo looga wada hadli doono habka dhaqaale ama horumarineed ee magaalada nashfil ay ka caawin doonto magaalada caasimadda ah ee hargaysa waaba hadii uu noqdo maayarku mid ku qanci kara maayaradda dhigiisa ah ee uu la kulmi doono baahida ay qabto mid ka mid ah caasimadaha dhaqaalahoodu aadka u hooseeyo ee waliba ah wadamada aan la aqoonsan.


Mustafe Amiir
Karin News

LATEST NEWS