[Top News]:- Xukuumadda Somaliland Oo Been Abuur Ku Tilmaantay Hadal Ka Soo Yeedhay Afhayeenka Madaxtooyada + Saamiga Itoobiya Oo Wali Khal Khal Ka Taagan Yahay [Yaa U Jawaabay Deyr]

0
Wednesday 17th May, 2017 in Wararkii Maanta by Madaxa Wararka
  • Visits: 1233
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Top News]:- Xukuumadda Somaliland Oo Been Abuur Ku Tilmaantay Hadal Ka Soo Yeedhay Afhayeenka Madaxtooyada + Saamiga Itoobiya Oo Wali Khal Khal Ka Taagan Yahay [Yaa U Jawaabay Deyr]

    Top News:- Xukuumadda Somaliland Oo Been Abuur Ku Tilmaantay Hadal Ka Soo Yeedhay Afhayeenka Madaxtooyada + Saamiga Itoobiya Oo Wali Khal Khal Ka Taagan Yahay Yaa U Jawaabay Deyr

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Top News:- Xukuumadda Somaliland Oo Been Abuur Ku Tilmaantay Hadal Ka Soo Yeedhay Afhayeenka Madaxtooyada + Saamiga Itoobiya Oo Wali Khal Khal Ka Taagan Yahay Yaa U Jawaabay Deyr


Mudane Wasiir, su’aalo badan baa la iska weydiinayaa, siyaabo kala duwanaana waa looga hadlay Saamiga 19% ee Itoobiya laga siinayo Dekadda Berbera,Wasiirka Ganacsigu si kooban buu uga hadlay, Afhayeenka Madaxtooyaduna wuu ka hadlay. Wasiir markaas sharaxaad naga sii saamigaas Itoobiya la siinayo sida loogu jarayo iyo sababta keentayba?


Shirkadii aynu maalintii dhawayto furnay, ee ka diiwaan gashan Somaliland, waxa wada leh Somaliland iyo DP World, midina 65% oo ah DP world, midina 35% oo ah Somaliland, laakiin waxa la isla qaatay maadaama Itoobiya tahay macmiilka ugu weyn ee isticmaali doona in iyana laga qayb galiyo, dabadeedna marka ay ka soo qayb gasho, markaas ayaa Itoobiya la siinayaa 19%. Waxaana 19% Itoobiya la siinayaa ka kala imanayaan, 14% waxa siinayaa DP Wolrd, 5% waxa siinayaa Somaliland, wali Itoobiya kama qayb aha, waa markay qayb ka noqdaan.



Markaas Somaliland oo lahayd 35% waxa laga jarayaa 5%, DP world oo lahayd 65 iyana waxa laga jarayaa 14%.?


Itoobiya markay soo gasho, waxay kala noqonayaan 51% DP World ah, Somaliland 30% iyo Itoobiya oo yeelan doonta 19%, markaas marka la leeyahay 19% ayaa la siinayaa Itoobiya macnaheedu maaha waa la iska siinayaa ee way maalgashanayaan oo wixii ku soo beegma saamigooda; maalgashiga oo ahaa 442 Milyan dee way gashanayaan oo wax bilaash ah maaha, laakiin wali halkaas lama gaadhin, laakiin imika waa is fahan uun oo waxa la isla gartay in laga qayb galiyo Itoobiya, madaama aynu doonayno inay isticmaalaan.


Hadalka Wasiir Sacad Cali Shire waxa uu meesha ka saaray isla markaana been abuur ku tilmaamay hadalkii Afhayeenka Madaxtooyada ka soo yeedhay oo sheegaya in Saamigii Somaliland uu sidiisii yahay isla markaana aan waxba laga bedelin halka sidoo kale uu sheegay in DP WORLD iyadu ay bixisa qayb ka mid ah saamigeeda taasna ay xaq u leedahay.

LATEST NEWS