[TOP SECRET] Maayar Carablow Oo Goordhaw Doonanaya Fiisihii Haweenaydu U Damiinatay Iyo Magaalada Hargaysa Oo Uu Dhuumasho Kaga Baxayo

0
Wednesday 17th May, 2017 in Wararkii Maanta by Tafatiraha Guud
  • Visits: 343
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [TOP SECRET] Maayar Carablow Oo Goordhaw Doonanaya Fiisihii Haweenaydu U Damiinatay Iyo Magaalada Hargaysa Oo Uu Dhuumasho Kaga Baxayo

    Maayar Carablow Oo Goordhaw Doonanaya Fiisihii Haweenaydu U Damiinatay Iyo Magaalada Hargaysa Oo Uu Dhuumasho Kaga Baxayo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maayar Carablow Oo Goordhaw Doonanaya Fiisihii Haweenaydu U Damiinatay Iyo Magaalada Hargaysa Oo Uu Dhuumasho Kaga Baxayo



Hargaysa (Karin News):- Maayar carablowga magaalada hargaysa ayaa haweenay waddanka maraykanka degani u damiinatay fiise 6 bilood ah oo uu ku geli doono dalka maraykanka waaba haddii nasiibku ka siiyo safaaradda maraykanku ku leeyahay dalka Jabuutiye.


Xaaladda uu maayar carablow ku sugan yahay ayaa waxay tahay in saacadaha soo socda uu dhuumasho kaga baxayo magaalada hargaysa isagoo u sii jeeda dalka jabuuti oo markaasi fiisihii haweenaydu u damiinatay uu yaalo wallow warbaahinta Karin News ay ay la socoto dhaq-dhaqaaqyada uu wado mudane soltelco.



Dhowr jeer oo hore ayay ahayd markii fiisayaal looga diiday dalal ka mid ah qaaradda yurub sida ingiriiska iyo norway waxaana Karin News haysaa muuqaaladdii uu ku duubay dalka sweden mudane solteclo ee ahaa in loo diiday oo aanu soo geli karin dalka norway wakhtigan maadaama ogolaanshiyo rasmi ah aanu ka haysan dawladda dalka norway, halka jaaliyadda reer soomaaliland ee dalka norway ay ku hanwaynayd inay su'aalo u boobto marka uu u yimaado mudane carablow taas oo ah sababta caasimadda dalku bilaa horumar u noqotay iyo kuwo kale .


Karin News
Mustafe Amiir
LATEST NEWS