"Maayarka Hargeysi 200,000$ Ayuu Ku Bixiyey Qaad La Cunay Markaa Maxaynu….." Murashax Faysal Cali Waraabe Oo Shacabka U Sheegay In Maayarkii La Doortay Daroogada Maal-galiyo [Xaasaasi]

0
Wednesday 17th May, 2017 in Wararkii Maanta by Madaxa Wararka
  • Visits: 803
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Maayarka Hargeysi 200,000$ Ayuu Ku Bixiyey Qaad La Cunay Markaa Maxaynu….." Murashax Faysal Cali Waraabe Oo Shacabka U Sheegay In Maayarkii La Doortay Daroogada Maal-galiyo [Xaasaasi]

    "Maayarka Hargeysi 200,000$ Ayuu Ku Bixiyey Qaad La Cunay Markaa Maxaynu….." Murashax Faysal Cali Waraabe Oo Shacabka U Sheegay In Maayarkii La Doortay Daroogada Maal-galiyo Xaasaasi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Maayarka Hargeysi 200,000$ Ayuu Ku Bixiyey Qaad La Cunay Markaa Maxaynu….." Murashax Faysal Cali Waraabe Oo Shacabka U Sheegay In Maayarkii La Doortay Daroogada Maal-galiyo Xaasaasi


Hargeysa (Karin-News):- Gudoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa bixiyey sir culus oo dhabar jab ku ah caasimada Hargeysa taasi oo ah in Maayarka Caasimada Hargeysa saacado gudahood ku bixiyey lacag Laba Boqol oo Kun oo Doller ah oo Qaad lagu cunay.


Gudoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu fashiliyey siyaasadda adhax jabiska ah ee Maayarka Caasimada Hargeysa oo ku jeeda Dareegis iyo arimo aan ku jirin baahidii shacabku ku doortay. "Waxa lay sheegayey islaan haysata kolay qaad ah in ay Kulmiye ku soo dalacday Laba boqol oo kun oo Doller 200,000$ yaa bixiyey Maayarka magaalada Hargeysa ayaa bixiyey waa lacagtii aad Schoolka wax ku dhisan lahaydeen waa lacagtii caafimaadka lagu bixin lahaa markaa ma kolay ayeynu u shaqaynaa mise umadaynu u shaqaynaa”



Sidoo kale Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in aanay jirin wadooyin Dawladda hoose dhistay ta Adna Aadan hor martana la dhisay wakhtigii Ingiriiskii. "Waad aragteen wadada adna horteeda soo marta Ingiriiskibaa sameeyey maanta waa xorfad wado miyeynu haysanaa maxaynu ku faanaa Illaah baan idinku dhaaryee qaadbaa layska cunayaa” Ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe.

 

 

LATEST NEWS