[SPORTS] AS Monaco Oo 17 Sano Kadib Ku Guulaystay Koobka Horyaalka France, Guulihii Xidhiidhka Ahaa Ee Paris Saint-Germain

0
18 May 2017 08:09 in Wararkii Maanta by Xafiiska Hargeysa
  • Visits: 170
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [SPORTS] AS Monaco Oo 17 Sano Kadib Ku Guulaystay Koobka Horyaalka France, Guulihii Xidhiidhka Ahaa Ee Paris Saint-Germain

    [SPORTS] AS Monaco Oo 17 Sano Kadib Ku Guulaystay Koobka Horyaalka France, Guulihii Xidhiidhka Ahaa Ee Paris Saint-Germain

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

[SPORTS] AS Monaco Oo 17 Sano Kadib Ku Guulaystay Koobka Horyaalka France, Guulihii Xidhiidhka Ahaa Ee Paris Saint-Germain


Kooxda AS Monaco ayaa ku guulaystay koobka horyaalka France ee Ligue 1 kadib markii ay 2:0 ku soo garaacday kooxdaSaint-Etienne wuxuuna ahaa kulan ay hal dhibic oo kaliya uga baahnayd si ay koobkan ugu guulaysato.AS Monaco ayaa soo gabagabaysay afar xili ciyaareed oo xidhiidh ah oo ayParis Saint-Germain koobkan ku soo guuaysatanaysay,waxayna PSG noqotay kooxdii labaad ee waqtiga ugu badan ee xidhiidhka ah koobkan ku soo guulaystay.



PSG ayaa doonaysay in ay raadsato rekoodhkii koobabka ugu badan ee xidhiidhka ah ee ay Lyon ku soo gaadhay todobada jeer ee xidhiidhka ah intii u dhexaysay sanadihii2001-2008 laakiin rekoodhkii koob ku guulaysiga PSG ee soo bilaway xili ciyaareedkii 2012/13 ayaa soo dhamaaday kadib markii uu Kylian Mbamppe kooxdiisa goolka furitaanka u dhaliyay daqiiqadii 15 aad halka uu goolka labaad raacsadayValere Germain.




Markii ugu danbaysay ee ay AS Monaco ku guulaysatay koobka horyaalka France waxaa laga joogaa muddoo 17 sanadood ah iyada oo xidiga koobkan doorka ugu wayn ku lahaa ee Kylian Mbappe uu markaas ahaa hal sano jir waxaana sidoo kale kooxda Monaco ka tirsan ciyaartoy badan oo caruur ahaa markii Monaco koobkan ay ka caawiyeen ugu danbaysay.


Tababare Leonardo Jardim oo la soo baxay koox dhinac kasta ka dhamaystiran isla markaana gool tiro badan ka soo dhalisay Yurub iyo France ayaa kooxdiisa u horseeday in ay hantaan koobka Ligue 1 balse waxa uu xili ciyaareedka cusub tartan xoogan kala kulmayaa suuqa kala iibsiga sidii uu ku sii haysan lahaa xidigaha u taariikhda cusub ku gaadhay.


Xili ciyaareedkii 1999-2000 ayaa Monaco ugu danbaysay in ay koobkan sarre u qaado waxayna guusha ay kulankii Saint Etienne ka soo gaadhay ka caawisay in ay yeelato 92 dhibcood halka PSG ay haysto 86 dhibcood.


LATEST NEWS