War Deg Deg Ah:- Ciidamo Gadoodsan Oo Iminka La Wareegay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga + Sarkaalka Hogaaminaya Iyo Waxa Soo Kordhay [Hadal Madaxweynuhu Yidhi Oo Sabab U Ah]

0
Thursday 18th May, 2017 in Wararkii Maanta by Madaxa Wararka
  • Visits: 1938
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:- Ciidamo Gadoodsan Oo Iminka La Wareegay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga + Sarkaalka Hogaaminaya Iyo Waxa Soo Kordhay [Hadal Madaxweynuhu Yidhi Oo Sabab U Ah]

    War Deg Deg Ah:- Ciidamo Gadoodsan Oo Iminka La Wareegay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga + Sarkaalka Hogaaminaya Iyo Waxa Soo Kordhay Hadal Madaxweynuhu Yidhi Oo Sabab U Ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:- Ciidamo Gadoodsan Oo Iminka La Wareegay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga + Sarkaalka Hogaaminaya Iyo Waxa Soo Kordhay Hadal Madaxweynuhu Yidhi Oo Sabab U Ah

Ciidamo gadoodsan oo katirsan Milatariga Soomaalia ayaa goordhawayd la wareegay xarunta Wasaarada Gaashaandhiga ee magaalada Muqdisho, Ciidamadan ayaa diiday in la galo ama laga baxo xarunta Wasaarada.


Sida aan wararka ku heleyno Ciidamadan gadoodsan ayaa ah kuwa aad u badan oo wata gaadiidka dagaalka, waxanay xidheen qeybo kamid ah laamiga Warshadaha gaar ahaan Wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa  Gaashaandhiga.


Ciidamadan Waxa ay sheegeen in ay ka gadoodsan yihiin mushaarkooda oo aanay helin dhowr bil ah ayna doonayaan in ay helaan xaquuqda ka maqan.



Mid kamid ah askarta Milatariga ee gadoodka sameeyay ayaa noo sheegay in ay ka cadheysan yihiin hadal dhawaan kasoo yeedhay Madaxweynaha Maamulka Xamar kaasi oo ku sheegay in ciidanku Mushaharkoodu helay sadexdii bilood ee u danbaysay hadalkaasina uu been abuur yahay oo ciidanku aanay qaadan wax mushahar ah.


Ciidamada gadoodka sameeyay ayaa xitaa ciidamada AMISOM gaar ahana kuwa Burundi u diiday in ay maraan laamiga Warshadaha waxa ayna ciidamada AMISOM ku qasbeen in ay dib ugu laabtaan xerada ay ku leeyihiin Kuliyada Jaalle Siyaad kadib markii loo diiday in ay laamiga maraan.

Arinta Ayaa fadeexad wayn ku ah Maamulka Farmaajo mar hadii ciidanku kashifeen in hadalka Madaxweynuhu been abuur ahaa taasi oo u dhigan in uu laba wajile yahay isla markaana dadka shax kale u isticmaalo.
LATEST NEWS