"Waxba Lamaanu Hadhin Haba Yaraatee Kuna…." Madaxweyne Siilaanyo Oo Si Dadban Uga Jawaabay Eedaymo Musuq Maasuq Oo Loo Jeediyey Gudi Uu Magacaabay

0
Thursday 18th May, 2017 in Wararkii Maanta by Madaxa Wararka
  • Visits: 515
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waxba Lamaanu Hadhin Haba Yaraatee Kuna…." Madaxweyne Siilaanyo Oo Si Dadban Uga Jawaabay Eedaymo Musuq Maasuq Oo Loo Jeediyey Gudi Uu Magacaabay

    "Waxba Lamaanu Hadhin Haba Yaraatee Kuna…." Madaxweyne Siilaanyo Oo Si Dadban Uga Jawaabay Eedaymo Musuq Maasuq Oo Loo Jeediyey Gudi Uu Magacaabay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxba Lamaanu Hadhin Haba Yaraatee Kuna…." Madaxweyne Siilaanyo Oo Si Dadban Uga Jawaabay Eedaymo Musuq Maasuq Oo Loo Jeediyey Gudi Uu Magacaabay

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa uu sheegay in Gudida uu abaaraha u magacaabay iyo xukuumadiisuba aanay waxba kala hadhin Abaaraha Gobolada bari ka jiray isla markaana ay bixiyeen deeqiihi soo xarooday.

Madaxweyne Siilaanyo oo arintan kaga hadlay Hadal uu maanta Madaxtooyada ka jeediyey waxa uu yidhi.  "Sida aad la socotaan, waxa dalka ka dhacay abaaro ba'an, oo waxyeelo u geystay duunyadii, daaqii iyo dadkiiba.
Abaarahaasi waxay si xun ugu habsadeen, guud ahaan Gobollada Jamhuuriyadda Somaliland.

Wakhtigan xaadirka ah, waxa qiyaas ahaan la xaqiijiyey in boqolkiiba toddobaatan xoolihii noolaa ay dhammaadeen, kuwaas oo laf-dhabar u ahaa dhaqaalaha dalkeenna.
Taasi waxay keentay, in dad badani ku soo hoydaan Tuulooyinka, iyagoo caydh ah.
Abaartaasi markii ay dhacday, waxaan magacaabay guddi qaran oo ka kooban culimo, ganacsato iyo mas'uuliyiin xukuumaddayda ka mid ah, si ay gurmad iyo gargaar ula gaadhaan dadka tabaaloobay, kuwaas oo illaa hadda shaqaynaya.
Waxaan shaki ku jirin in guddidaasi dedaal weyn ay samaysay, ILAAHAYNA sabab uga dhigay in ay badbaadiyaan nafo badan, oo baad iyo biyo la'aan u dhiman lahaa.
Waxaan jecelahay, in aan halkan ka bogaadiyo Guddidii aan u xil-saaray taakulaynta abaaraha. Sidoo kale, waxaan jecelahay in aan uga mahadceliyo cid kasta oo ka qayb qaadaatay gargaarkii iyo gurmadkii loo fidiyey dadkeenna xilligii abaarta.
Mar labaad, waxaan ummadayda ku hambalyeynayaa caadooyinka wanaagsan ee ay dhaqanka u leeyihiin, in ay iskaashadaan ama is caawiyaan wakhtiyada adag."

Sidoo kale Madaxweynaha oo hadalka sii wata ayaa waxa uu yidhi.  Waxaan caddaynayaa in Xukuumaddaydu ay gacan weyn ka geysatay gurmadkii abaaraha, isla markaan gundhig u ahayd hawlaha gargaarka. Hore ayaa loo yidhi: "Nin adhigiisii bahal galay, ayaan darane mooyee, orod darane lama yidhaahdo".
Sidaa darteed, waxba lamaanu hadhin haba yaraatee, kuna faani mayno, oo waxay ahayd xil iyo waajibaad na saaran.
EEBE, waxaan ka baryayaa, inuu ajar iyo xasanaad, dhammaanteen inaga siiyo, qaadhaankii iyo sadaqaddii aynu isu hurray." Sidaa Waxa yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

LATEST NEWS