[War Deg Deg Ah]:- Madaxtooyada Somaliland Oo Iminka La Waydiiyey In Xisbiga Kulmiye Olole U Isticmalayo Lacagta Ay Ururinayaan Gudida Wasiir Xaashi Gudoomiyaha U Yahay [Maxaa Jira?]

0
Thursday 18th May 2017 19:40:37 in Wararkii Maanta by Madaxa Wararka
  • Visits: 677
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [War Deg Deg Ah]:- Madaxtooyada Somaliland Oo Iminka La Waydiiyey In Xisbiga Kulmiye Olole U Isticmalayo Lacagta Ay Ururinayaan Gudida Wasiir Xaashi Gudoomiyaha U Yahay [Maxaa Jira?]

    War Deg Deg Ah:- Madaxtooyada Somaliland Oo Iminka La Waydiiyey In Xisbiga Kulmiye Olole U Isticmalayo Lacagta Ay Ururinayaan Gudida Wasiir Xaashi Gudoomiyaha U Yahay Maxaa Jira?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah:- Madaxtooyada Somaliland Oo Iminka La Waydiiyey In Xisbiga Kulmiye Olole U Isticmalayo Lacagta Ay Ururinayaan Gudida Wasiir Xaashi Gudoomiyaha U Yahay Maxaa Jira?


Hargeysa (Karin-News):- Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Axmed Xaashi oo warbaahinta la hadlay ayaa markii u horaysay isaga oo afka xukuumadda ka hadlaya sharaxay halka ay mareen qaadhaankii Gudida Abaaraha loo dhiibay.


Sidoo kale Wasiir ku xigeenka Waxa markii u horaysay la waydiiyey arin bulshadu hadal haysay isla markaana suuqa la soo galiyey oo ahayd in xisbiga Kulmiye nidaam Olole u isticmaalayo lacagta laga soo ururiyo bulshada ee ka soo kabashada abaarta.



Ugu horayn waxa uu ka hadlay halka La mariyey lacagihii ay ururin jireen Gudida Abaaraha Somaliland waxaana uu yidhi. "Horta waan ka xumahay in dad sidaa u fekeraan mida kale xukuumadda iyo dadweynaha cida u dhaxaysa waa idinka Saxaafadu waxa ay markhaati ka tahay horta gudidii hore ee ururinaysa Culimo farabadan ayaa ku jiray Ganacsataa ku jirtay markaa saxaafadu waxa ay goob joog u ahayd in maalin walba marka ay lacago yimaadaan la shaaciyo oo la dhaho la cagahaas ayaa yimi markaa intaydaan su’aalaha noocaas ah soo qaadan waxa ay ahayd in aad dadka ku tidhaahdaan intaas oo goobaad ayaa wax lagu bixiyey oo Markhaati ka ahaynee taasi miyaanay cadayn u ahayn in wixii la soo ururiyo ee gudida soo gaadha ay bixiso.”


Wasiir ku xigeenku waxa uu sheegay In uu Markhaati ka yahay in gudidaasi aanay habeen iyo maalin fadhiisan maalin walbana ay gurmad qaybin jireen waxaana uu yidhi. "Dadka waxaa qaba ILLAAHAY ha idin shaafiyo ayaan leenahay waxaan markhaati ka nahay in Gudidaasi 24-ka saacadood aanay fadhiisan jirin oo ay warbaahinta ku jireen Meeshii biyo la gaadhsiiyey meeshii cunto la gaadhsiiyey iyo meeshii xoolo la gaadhsiiyey intuba waana la soo bandhigayaa.”


Ugu danbayn Axmed Xaashi waxa uu si dadban uga jawaabay hadalo mucaaradku suuqa soo galiyey oo ahayd in Qaadhaanka la ururinayo ee 18-May loo joojiyey lacagta ka soo baxda Xisbiga Kulmiye Olole u isticmaalayo waxaana uu yidhi. "Hadaynaan xukuumadii xisbiyadii qaranka Culimadii Ganacsatadii Bulshadii rayidka ahayd Intaas oo iskugu tagay yaa inaga maqan bulshadeena hadaynu intaa aamini wayno yeynu aaminaynaa Mucaarad iyo Muxaafad maanta lays xaman mayo Miiska ayaa la wada fadhiyaa Markaa yeynaan is caayin.”


LATEST NEWS