[XASAASI AH] Mujaahid Cali Guray Oo Guddida Abaaraha Ku Sheegay In Ceebtii Ugu Waynayd Ku Soo Socoto Wasiirka Madaxtooyadana Ka Saaray Liiska Dadka Wax Lunsanaya

0
Friday 19th May 2017 13:25:23 in Wararkii Maanta by Tafatiraha Guud
  • Visits: 1116
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [XASAASI AH] Mujaahid Cali Guray Oo Guddida Abaaraha Ku Sheegay In Ceebtii Ugu Waynayd Ku Soo Socoto Wasiirka Madaxtooyadana Ka Saaray Liiska Dadka Wax Lunsanaya

    [XASAASI AH] Mujaahid Cali Guray Oo Guddida Abaaraha Ku Sheegay In Ceebtii Ugu Waynayd Ku Soo Socoto Wasiirka Madaxtooyadana Ka Saaray Liiska Dadka Wax Lunsanaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

[XASAASI AH] Mujaahid Cali Guray Oo Guddida Abaaraha Ku Sheegay In Ceebtii Ugu Waynayd Ku Soo Socoto Wasiirka Madaxtooyadana Ka Saaray Liiska Dadka Wax Lunsanaya





Hargaysa (Karin News):- Siyaasiga Mujaahid Cali  yuusuf ( Cali Guray ) ayaa ceeb iyo fadeexad ku tilmaamay shaqada guddida abaaraha, waxaana uu sheegay in ceebtii ugu waynayd hadda ku soo socoto isla markaana waxaa siyaasigu sharaxay siyaasadaha is barkan iyo dad uu sheegay inay isfahamsan yihiin oo xidhiidho waawayni ka dhaxeeyaan.


Dhinaca kalena waxaa markhaati ma doon ah in lacagihii hore ee guddida abaaraha qasnaddooda lagu shubay aan 1 Dollar xitaa laga bixin oo meel ay jaan iyo cidhib dhigtay la la'ayahay,in kastoo maalinta qaranimada soomaaliland ee shalay ku beegnayd uu  madaxwayne silaanyo iclaamiyay in dadka abaaruhu halakeeyeen loogu ururiyo lacag si loo xooleeyo maadaama oo xoolihii iyo dadkiiba baxeen halka qaarna ay isku dal-daleen gobolka saraar iyo nawaaxigiisa, haddaba siyaasi cali gura oo arrimahan ka hadlaya ayaa waxaa uu yidhi sidan :-




''FADEEXADII UGU WAYNAYD WAA TA SOO SOCOTO''


Waaryaa sheekadani xataa Maxamuud Xaashi ka fog waana daba-goosigii ugu dambeeyay. Wixii hore lama soo qaadi karo eh hadda keen lacagta weeye. Dadka hadii loogu badiyo boqolkii 20 ama 30 ayaa indhaha dadka meelo wax laga gaadh gaadhi laakiin ku maxaafsiga dadkii abaartu wuxu noqday mashruuc lacag urursi. Guddidan cusub ayaa ah kuwo hand picked ah oo xidhiidho hore lahaa oo is og waxanna ku saaxiib ah marka laga reebo kuwa aan waxba lasoconin oo iskaga bixi doona marka ay wax arkaan laakiin inta badani qorshaha way ku wada socdaan waanay is fahamsan yihiin. Bal ogaada kuwa loo tashaday waa kuwa lacagta laga qaadi doono ee is leh dadkiina abaartu wax yeelaysay baa wax loogu qabanayaa oo wixii ay ugu yaboohiin noqon doono cad iyagana ka yimi dadkii abaartu wax yeelausayna aan gaadhin. Markaa waxba yaan marba shaadh la inoo soo gashanin tan waxa ka soo socota fadeexadii ugu waynayd. Iskana jir runta iyo gatashada iyo aqoontu waa dembi xagooda eh.
Bal day marka ay Ramadaan baxdo hadii Alleh yidhaa ee la ciido doorashada waxa inaga xiga mudada sedex bilood ah (July, August, iyo September), Oktoobar 13keedana waa codbixintii. In kasta oo iyagu laga yaabo in aanay ujeedin ee muraadkoodu yahay wax kale hadana hadii uu run yahay Barnaamijka Ka soo kabashada Abaartu wuxu mari doonaa inta marxaladood ee Barnaamij maro marka uu run yahay ee la doonayo in uu waxtar u yeesho ciddii loogu talogalay. Sedexda marxaladood waxay yihiin:
Maraxaladda Curinta
Marxaladda Qorshaynta
Iyo Maraxadda Fulinta
Sedexda bilood ayaa sedexda marxaladoodba ay qaadanayaan oo lagu dhamays tirayaa dadkii abaartu dad iyo xooloba ay ku habsatay ee ku caydhoobayna kaga soo kabanayaan inta ugu yarba ha noqoto eh dhibaatadii abaarta qof kasta oo wax kala garanayaa wuu fahmi karaa in aanay suurtogal ahayn. Waa uun laba mid in aanay waxba garanayn iyo inay dan kale leeyihiin dadka oo dhanna u haystaan in aanay ku jirin in wax garanaysaa oo aqoontooda caayayaan.
Lakiin waa sun iyo boog waxay u hunguroonayaane daaya way eedi oo walaahi in aanay ka macaashi doonine

Caligurey

LATEST NEWS