Mulkiile Cirro Iyo Gacanyare Xirsi Oo Madaxweynaha Jabuuti Kulan La Qaatay Iyo Karin News Oo Xog Rasmi Ah Ka Heshay + [DAMBI QARAN]

0
Friday 19th May 2017 14:20:35 in Wararkii Maanta by Tafatiraha Guud
  • Visits: 1757
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mulkiile Cirro Iyo Gacanyare Xirsi Oo Madaxweynaha Jabuuti Kulan La Qaatay Iyo Karin News Oo Xog Rasmi Ah Ka Heshay + [DAMBI QARAN]

    Mulkiile Cirro Iyo Gacanyare Xirsi Oo Madaxweynaha Jabuuti Kulan La Qaatay Iyo Karin News Oo Xog Rasmi Ah Ka Heshay + [DAMBI QARAN]

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mulkiile Cirro Iyo Gacanyare Xirsi Oo Madaxweynaha Jabuuti Kulan La Qaatay Iyo Karin News Oo Xog Rasmi Ah Ka Heshay + [DAMBI QARAN]



Jabuuti (Karin News):- Madaxda Xisbiga WADDANI oo Kulan qarsoodi ah la qaatay Madaxweynaha Jabuuti iyo Waxyaabihii ay ka wada hadleen, Wefti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa kulan qarsoodi ah magaaladda Jabuuti ee caasimada Jabuuti kula yeeshay maalintii shalay oo ku beegnayd 18 May Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaciil Cumar geelle. 



kulankani ayaa dabasocday kulan hore oo madax ka tirsan dowlada jabuuti ay isla todobaadkan dalka jabuuti kula yeesheen hoggaamiyaha xisbiga waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan kulamadani ayaa nuxurkoodu ahaa kaalinta xisbiga WADDANI ka qaadan karo joojinta mashruuca DP world Berbera iyo Saldhiga Dowlada Imaraatka oo dowlada jabuuti u aragto khatar dhaqaale oo soo wajahaysa sidoo kale waxaa la sheegay inay dowlada jabuuti balan qaaday kharashka lagu hawlgalayo oo dhan. Madaxda Xisbiga WADDANI iyo Dowlada Jabuuti ayaa sida la sheegay isla Afgartay in Kulamada loo wareejiyo wadamo kale si aan loo helin xogta labada dhinaca Waxaanna laysla afjartay in lagu in shirarka dambe ee lagu hawlgalayo lagu qabto Magaalada dubai si loo yareeyo shakiga ka iman kara Shacabka Somaliland .

Madaxda Xisbiga WADDANI oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Xisbigaasi cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi iyo Hoggaamiyaha Xisbiga Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa hadda ku sugan dalka Imaraatka iyaga oo ay weheliyaan xubno wakiilo ka ah Madaxweynaha dowlada Jabuuti.


Karin News

LATEST NEWS