[War Iminka Ah] Xukuumadda Oo Shaqadda Ka Joojisay Mid Ka Mid Ah Golaha Wasiiradda Iyo Sababaha Looga Hakiyay + Dhimasho Cirka Gaadhay.

0
Saturday 20th May, 2017 in Wararkii Maanta by Hargaysa Office
  • Visits: 793
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [War Iminka Ah] Xukuumadda Oo Shaqadda Ka Joojisay Mid Ka Mid Ah Golaha Wasiiradda Iyo Sababaha Looga Hakiyay + Dhimasho Cirka Gaadhay.

    [War Iminka Ah] Xukuumadda Oo Shaqadda Ka Joojisay Mid Ka Mid Ah Golaha Wasiiradda Iyo Sababaha Looga Hakiyay + Dhimasho Cirka Gaadhay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

[War Iminka Ah] Xukuumadda Oo Shaqadda Ka Joojisay Mid Ka Mid Ah Golaha Wasiiradda Iyo Sababaha Looga Hakiyay + Dhimasho Cirka Gaadhay.


Dowlada uu caaalamku taageero ee dalka Libya ayaa shaqada ka joojisay wasiirkii gashaandhidga ee Libya si baaritaan loogu sameeyo weerar lagu qaaday saldhig milateri oo ku yaala koonfurta dalkaasi, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 60 qof.


Inta badan dadka weerarakani ku dhintay ayaa waxaa la sheegayaa inay ahaayeen ciidamo ka madax banaa milateriga dalkaasi oo aana aqoonsaneyn dowlada uu caalamak taageero.



Ciidamada la weeraray ayaa saldhigaasi milateri gacanta ku hayay tan iyo bishii Desembar ee sannadkii hore.


Ciidamada weeraray saldhiga Brak Al-Shati ayaa waxay ahaayeen ciidami ku howlgalayay magaca Qaramada midoobay ee jooga caasimadda Tripoli. Balse ciidamada ay is hayaan ayay ku edeyeen inay dileen askar iyo welibo dad rayid ah oo ka howgala koonfurta dalka Libya.


Xafiiska Ra'iisul wasaaraha dalkaasi ayaa beeniyay inay amreen weerarkani, waxaana ay shaqadii ka farisiyeen wasiirkii gashandhiga iyo taliyihii ciidamada weerarka fuliyay.


Guddi loo xil saaray inay ka soo talabixiyaan weerarkani ayaa haatan heysto muddo labo isbuuc ah oo ay xaqiiqda weerarkani ogu soo gudbiyaan Ra'iisul wasaaraha, waxaana hadda ay ka sal gaarayaan ciddii ka dambeysay weerarkani.


LATEST NEWS