Madaxweynaha Mar Kale Majaraha U Qaban Doona Dalka Iiran Oo La Shaaciyay Iyo Codbixintii Wadankaasi Oo La Soo Xidhay + Kuma Lagu Dhawaaqay.

0
Saturday 20th May, 2017 in Wararkii Maanta by Hargaysa Office
  • Visits: 188
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Mar Kale Majaraha U Qaban Doona Dalka Iiran Oo La Shaaciyay Iyo Codbixintii Wadankaasi Oo La Soo Xidhay + Kuma Lagu Dhawaaqay.

    Madaxweynaha Mar Kale Majaraha U Qaban Doona Dalka Iiran Oo La Shaaciyay Iyo Codbixintii Wadankaasi Oo La Soo Xidhay + Kuma Lagu Dhawaaqay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Mar Kale Majaraha U Qaban Doona Dalka Iiran Oo La Shaaciyay Iyo Codbixintii Wadankaasi Oo La Soo Xidhay + Kuma Lagu Dhawaaqay.

Dalka Iran waxaa la soo gabgabeeyay codbixinta doorashada madaxweynaha. Wararka hor dhaca ee la helayo waxaa ay muujinaya in madaxweynaha xilka haya Hassan Rouhani uu markale u muuqato in uu ku guleysan doono doorashada madaxtinimada ee dalkaasi.


Balse ninka ay is hayaan ee Ebrahim Raisi ayaa durbaba gudbiyay cabasho, kaddib markii uu sheegay in doorashadani ay hareeyeen wax isdaba marin.


Mr Rohani aya wax ka bedelay xiriirka Iran iyo beesha caalamka, hasa yeeshee waxaa intii uu hayay xilka gaabis ku socday dhaqaalaha dalkaasi. Heshiis ay Iran laba sanno kahor la saxiixatay wadamada reer galbeedka ee dhanka barnaamijkeeda nukleyrka ayaa waxaa uu horseeday in Iran laga qaado inta badan cunaqabateyntii sarneyd.



Mr Raisi oo ay aad isugu dhawyihiin hogaamiyaha ruuxiga ee Iran, Ayatollah Khamenei ayaa dhaliilay qaabka loo maareeyay dhaqaalaha dalkiisa iyo saameynta sii kordheyso ee wadamada shisheeye ay ku yesheen Iran.


Waxaana maanta lagu wadaa in lagu dhawaaqo natiijada kama dambeysta ee doorashada, balse hadii ay dhacdo in la waayo musharax hela in ka badan boqolkiiba konton, waxay taasi noqoneysa in labada ugu sareeya oo kala ah Rouhani iyo Rais ay usoo gudbaan wareega labaad ee doorashada .


LATEST NEWS