Wasiir Mareexaan Masuul U Qalma Mansab Ka Sareeya Wasiir + Tiir Dhexaad Bulshada Tusaale U Ah + Ma Yahay Shaqsiga Mudo Yar Ku Hirgaliyey Riyooyinkii Madaxweyne Siilaanyo Ee 50-sano

0
29 May 2017 19:20 in Wararkii Maanta by Madaxa Wararka
  • Visits: 1392
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Wasiir Mareexaan Masuul U Qalma Mansab Ka Sareeya Wasiir + Tiir Dhexaad Bulshada Tusaale U Ah + Ma Yahay Shaqsiga Mudo Yar Ku Hirgaliyey Riyooyinkii Madaxweyne Siilaanyo Ee 50-sano

    Wasiir Mareexaan Masuul U Qalma Mansab Ka Sareeya Wasiir + Tiir Dhexaad Bulshada Tusaale U Ah + Ma Yahay Shaqsiga Mudo Yar Ku Hirgaliyey Riyooyinkii Madaxweyne Siilaanyo Ee 50-sano

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Mareexaan Masuul U Qalma Mansab Ka Sareeya Wasiir + Tiir Dhexaad Bulshada Tusaale U Ah + Ma Yahay Shaqsiga Mudo Yar Ku Hirgaliyey Riyooyinkii Madaxweyne Siilaanyo Ee 50-sano



Hargaysa (Karin News):- Wasiirka Hawlaha guud gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Cali Xasan Maxamed (Mareexaan) waxa uu joogaa wasaaradda mudo aan gaadhin laba sano isaga oo ka mid ahaa kooxdii Madaxweyne Siilaanyo u xushay in ay bedel u noqdaan jagooyinkii ay baneeyeen barakacaayaashii siyaasadda ee markii danbe xisbiga mucaaradka ah ee Waddani galay.


Wasiirka Hawlaha Guud waxa uu mudo yar ku hirgaliyey riyooyin Madaxweyne Siilaanyo qorsheeyey 50-sano ka hor oo ay ka mid tahay Wadada Ceerigaabo taasi oo uu xataa damacsanaa in dawladii siyaad barre markii uu ka mid ahaa la hirgaliyo balse aan suurta galin.



Dhismaha Wadada Ceerigaabo dhamaadkeeda waxa ka hadhay fara-cididood iyada oo wakhtigan gabo-gabo maraysa isla markaana dhawaan la filayo in xaflad xadhig ka jaris ah loo qabto waxaana dar dar iyo awood siyaasadeed ku hirgaliyey Wasiir Cali Mareexaan iyada oo wakhtigii Xirsi wadada gacanta ku hayey ay ahayd wado Warbaahinta iyo isgaadhsiinta bulshada si wayn ugu dhex jirta balse dhisme ahaan aan socon oo qaab Dhutis ah loo dhisayey.


Waxa la joojiyey lacagtii badnayd ee lagu kharash garanayey warbaahinta iyo fanaaniinta waxaana loo bedelay ficil shaqo oo dhab ah iyada oo la dhamaystiray wadada ceerigaabo oo dawladaha dunida ugu waawayn ka baqeen hirgalinta dhismaheeda.


Sidoo kale Wasiir Cali Mareexaan waxa uu noqday Wasiir isku xidha Xukuumadda iyo shacabka inta badana waxa uu xaliyaa arimaha dalka ku soo kordha waana wasiir qorsheeya arimo hiigsi dheer oo dalka lagu hogaamin doono.


Bisaylka siyaasadeed ee Cali Mareexaan waxa ay muujisay in uu yahay shakhsi ku haboon mansab ka sareeya Wasiir isla markaana xisbiga Kulmiye ka ciyaarsiiyo booska weerarka siyaasadda xisbiga oo u dhigan jagada ugu saraysa ee xisbiga Kulmiye.


Karin News 


 

LATEST NEWS