Mulkiile Cirro Oo Diiday Talabadii Xukuumadda Somaliland Ka Qaadatay Godoominta Qadar + Xubno Xisbiga Waddani Ah Oo Xukuumadda Raacay Iyo Nusdanbeedka Oo War Laga Sugayo [Xaasaasi] .

0
17 June 2017 14:01 in Wararkii Maanta by Xafiiska Hargeysa
  • Visits: 534
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mulkiile Cirro Oo Diiday Talabadii Xukuumadda Somaliland Ka Qaadatay Godoominta Qadar + Xubno Xisbiga Waddani Ah Oo Xukuumadda Raacay Iyo Nusdanbeedka Oo War Laga Sugayo [Xaasaasi] .

    Mulkiile Cirro Oo Diiday Talabadii Xukuumadda Somaliland Ka Qaadatay Godoominta Qadar + Xubno Xisbiga Waddani Ah Oo Xukuumadda Raacay Iyo Nusdanbeedka Oo War Laga Sugayo [Xaasaasi] .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mulkiile Cirro Oo Diiday Talabadii Xukuumadda Somaliland Ka Qaadatay Godoominta Qadar + Xubno Xisbiga Waddani Ah Oo Xukuumadda Raacay Iyo Nusdanbeedka Oo War Laga Sugayo [Xaasaasi] .

Xisbiga Mucaaradka ee Wadanni ayaa la sheegay in dhinac ka mid ah hoggaankiisu taageeray tallaabadii xukuumadda Somaliland ku garab istaagtay go’aankii waddamada xulafada Sacuudigu hoggaaminayo ka qaateen dalka Qatar, halka dhinac kale la mowqif noqdeen dalalka diiday go’doominta dalka.


Sida lagu baahiyey mareegta The National xalay, Murrashaxa xisbiga Wadanni Mr. Cabdiraxmaan Cabdillahi Cirro, oo ka horyimi go’aankii xukuumada ayaa wakhtigan safar aan ujeeddadiisa la caddeyn ku tegay dalka Turkiga oo hoggaaminaya dalalka diidan go’doominta dalka Qatar, wallow aanu si rasmi ah uga hadlin mowqifkiisa khilaafka u dhexeeya xulafada Sacuudigu hoggaaminayo iyo dalka Qatar.



 

Safarka degdega ee Guddoomiye Cirro ayaa baddi dadka faaleeya siyaasada gudaha ka muujiyeen tallaabo muujinaysa inuu raacsan yahay dalalka sida weyn uga soo horjeeda go’doominta dalka Qatar, oo ugu horeeyaan dalalka Turkiga iyo wadanka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya oo hore u sheegay inuu dhexdhexaad ka noqonayo, talaabo muujinaysa inuu si dadban u diidan yahay la safashada waddamada xulafada sacuudigu hogaaminayo.


Kala qeybsanaanta hoggaanka xisbiga Wadanni ee talaabada xukuumada Somaliland ula mowqif noqotay waddamada xulafada Sacuudigu hogaaminayo ayaa lagu sheegay The National inay muujinayso aragtiyaha xubnaha hogaanka Wadanni ka kala bixiyeen khilaafka wadamada Carabta.


Gudoomiyaha xisbiga Wadanni Cabdiqaadir Jirde oo khamiistii ka hadlay ayaa si weyn u taageeray mowqifka xukuumada Somaliland ka qaadatay khilaafka u dhexeeya wadamadda xulafada Sacuudigu hogaaminayo & dalka Qatar, isla markaana sheegay in xisbiga Wadanni si weyn u taageersan yahay mowqifka xukuumada Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) ku garab istaagtay wadamadda xulafada ee Sacuudigu hogaaminayo ku go’doomiyeen dalka Qatar, kuna raacsan yihiin.


"isbedelka siyaasadeed ee dunida ka soo cusboonaada waxa jamhuuriyada Somaliland uga masuul ah Madaxweynaha JSL Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo), inuu ummada u raadiyo haddba halka danta qarankiisu ku jirto”


Dhinaca kale, Mr. Cabdi Haybe, siyaasi ka tirsan xisbiga Wadanni oo lagu tiriyo inuu u dhow yahay murrashaxa xisbiga Wadanni Mr. Cirro iyo garabka taageersan mowqifka Soomaaliya ka istaagtay go’doominta Qatar, ayaa dhaleeceeyey go’aankii xukuumadda ka qaadatay go’doominta dalka Qatar, isla markaana sheegay inaanay habboonayn in xukuumadda Somaliland dhinac raacdo khilaafka u dhexeeya wadamada Khaliijka. Sida go’aankii xukuumada Soomaaliya ka qaadatay khilaafka.


Warar aan la xaqiijin oo laga helayo gudaha xisbiga Wadanni ayaa lagu sheegay in hogaanka xisbigu laba garab u kala jabay, mid taageersan go’aankii xukuumada Somaliland ku garab istaagtay wadamadda xuladafa Sacuudigu hogaaminayo dalka Qatar, halka garab kalena taageersan yahay mowqifka wadamada ka soo horjeeda go’doominta Qatar ee wadamadda Turkiga iyo Soomaaliya horkacayaan.



Wargeyska Dawan


LATEST NEWS