[Top News]:- Dawlada Oo Xil Culus U Magacawday Sarkaal Hore Uga Tirsanaa Ururka Al-shabaab + Sababta Dalka Loogu Aaminay Iyo Magaciisa

0
18 June 2017 20:50 in Wararkii Maanta by Madaxa Wararka
  • Visits: 1087
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Top News]:- Dawlada Oo Xil Culus U Magacawday Sarkaal Hore Uga Tirsanaa Ururka Al-shabaab + Sababta Dalka Loogu Aaminay Iyo Magaciisa

    Top News:- Dawlada Oo Xil Culus U Magacawday Sarkaal Hore Uga Tirsanaa Ururka Al-shabaab + Sababta Dalka Loogu Aaminay Iyo Magaciisa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Top News:- Dawlada Oo Xil Culus U Magacawday Sarkaal Hore Uga Tirsanaa Ururka Al-shabaab + Sababta Dalka Loogu Aaminay Iyo Magaciisa


Waxaa labadii maalmood ee la soo dhaafay soo xoogeysanayay warar sheegayay in Zakariye Ismaaciil Xirsi loo magacaabay Taliyaha Qeybta Sirdoonka ee Hey’adda Nabasugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA.


Ilo kala duwan ayaa sheegaya in Zakariye Ismaaciil loo magacaabay xilkaas, isagoo lagu bedelay nin horay u hayay xilkaas oo magaciisa lagu sheegay C/fataax.


Baraha Bulshada ayaa magacaabidan siyaabo kala duwan looga hadlayay, inkastoo aan la shaacin, hase ahaatee waxay u badan tahay in magacaabidiisa aheyd mid hoose.



Taliska Qeybta Sirdoonka ee Hey’adda NISA ayaa waxaa hoos-taga Hoggaanka Baarista, Hoggaanka Macluumaanka iyo Hoggaanka Gobolada


Zakariye Ismaaciil oo soo noqday Madaxii Amniyaadka Al-Shabaab ayaa sanado ka hor isku soo dhiibay dowladda Federaalka, wuxuu ahaa sarkaalkii ugu heerka sareeyayee AlShabaab ka soo goosta ee isu dhiiba dowladda.


Mr Zakariye ayaa xilli ka mid ahaa shaqsiyaadka loogu doon doonista badnaa Adduunka, isagoo madaxiisa uu Mareykanka dul saaray lacag dhan 3-milyan, balse markii dambe laga saaray liiskaas, markii uu ka baxay Ururka Al-Shabaab.


Dowladda Federaalka ayaa dhowaan is bedelo ku sameysay Hoggaanka Guud ee Hey’adda NISA, iyadoo Taliye cusub iyo Taliye kuxigeeno la magacaabay, balse waxaa is casilay Taliye kuxigeenkii Howl galada ee NISA.

LATEST NEWS