'' Dhagax kastaba meeshaa la dhigo ayuu yaalaa, saladana waa abtirsatay, xeerbay leedahay, Xudun bay leedahay, xeerkeeda iyo xudunteeda waxa saldhigu ah wiil iyo walaalba ''

0
Wednesday 23rd March 2016 09:43:12 in Wararkii Maanta by Tafatiraha Guud
  • Visits: 1176
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Dhagax kastaba meeshaa la dhigo ayuu yaalaa, saladana waa abtirsatay, xeerbay leedahay, Xudun bay leedahay, xeerkeeda iyo xudunteeda waxa saldhigu ah wiil iyo walaalba ''

    Hargaysa (KNN) Iyadoo maalintii shalay ahayd ay intooda badan madax dhaqameedka odayaasha aqoonyahanka siyaasiyiinta iyo dhalinyarada salaadiinta beesha subeer

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa (KNN) Iyadoo maalintii shalay ahayd ay intooda badan madax dhaqameedka odayaasha aqoonyahanka siyaasiyiinta iyo dhalinyarada salaadiinta beesha subeer
awal, waxay si wayn uga soo hor jeesteen suldaan kumeel gaadh ah isla markaana noqonaya suldaanka guud ee beesha subeer awal oo dhawaan lagu caleemo saaray caasimadda Somaliland ee hargaysa .
Iyagoo taageero wayn u muujiyay sidoo kalena shaaciyay in suldaan xasan suldaan cabdilaahi suldaan cabdiraxmaan uu yahay suldaankooda guud horena uu ahaa .

Munaasibaddan wayn oo ka dhacday Hotel xaraf ee magaalada hargaysa ka qabsoontay ayaa waxaa ka hadlay salaadiin, siyaasiyiin, odayaal iyo waxgarad isla markaana taageeray suldaanka guud ee beesha subeer awal suldaan xasan suldaan cabdilaahi suldaan cabdiraxmaan, isla markaana xukuumadda Somaliland ku eedeeyey inay faro gelin ku hayso ‘


Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay oday ka mid ah odayaasha taageerada wayn u muujiyay suldaan xasan waxaana uu yidhi ‘’ Anigoo ku hadlaya afka siciid ismaaciil ee lagu magacaabayo, ee lagu xamanayo ee la leeyahay meel bay wax la galeen , ee aanan la socon waxaan ka xaal bixinayaa oo ka raali gelinayaa, dhamaan beesha subeer awal, dalka dibeda meel kasta oo ay joogaanba ‘’

Waxaa sidoo kale munaasibadda ka hadlay mid ka mid ah waxgaradka waxaana uu yidhi ‘’ anagaa mindiyaha la isku kaaya dhiibaya, taasi ma noqonayso mid suurto gal ah , saldanaduna waa saldanad guun ah, waa saldanad lama taab taan ah, maasha shay dukaan yaala oo nin waliba siduu doono ka yeelayo ‘’

Dhinaca kalena waxaa munaasibaddan si qosol iyo dhoola cadeyn ah hadal duur xulkiisu sareeyo ka yidhi oday ka mid ah odayaasha taageeray suldaan xasan waxaana uu yidhi ‘’ Inanka la yidhi waa la caleemo saaray ee reer suldaan cabdiraxmaan, waa laba ilmaadeer ah, labadaas ilmaadeerta ah ninka iska hor keenay, ee mindiyo iskugu dhiibaa, waar horta yuu wadi karaa kaasi kuma?’’


Hase yeeshee waxaa isla madashada taageerada loogu muujinayay suldaan xasan ka hadlay siyaasi mujaahid dhagawayne, oo run ahaantii si wayn u duray hadal duur xulna ku ganay mujaahid muuse biixi cabdi oo si wayn ay isu hayaan suldaa xasan waxaana uu yidhi

‘’ Garniqi maayee ilaahay baa gar naqay, wixii meesha halkaa ka muuqday iyo wixii telefiishanka la inaga tusay ma wax is geya miyay yihiin,wax isu dhigma miyay yihiin , sidaas baa hadaba ilaahay ugu markhaati furay oo aan cidina u taaban Karin, cidina waxba ma yeeli karto, …….. haddaad is tidhaahdo wasakhee , wasakhaysmi mayso ceeboobi mayso waxba kuma samayn kartid , maanta ceebi waxay la taalaa , shirkaa ninkii ka hor yimi , waxa shirkaasi ka markhaati furay , anigu intaa u dhaafi maayo ‘’

Sidoo kale mulkiilaha wargeysta haatuf Yuusuf cabdi gaboobe ayaa isagu xukuumadda ku eedeeyey inay ka dambeysay waa sida uu hadalka u dhigaye faro gelin xukuumaddu ay ku sameysay saldanada iyo suldaanka subeer awal waxaana uu yidhi ‘’ Marka aynu runta isku sheegayno, waxay ku timi faro gelin inagaga timi dhinaca dawladda, halka ay dadkan tabaalaysan ee abaartu madhisay wax uga qaban lahayd, xukuumaddii aynu dooranayn waxay isku mashquulisay saldanadeenii inay soo faro geliso, laakiin waad wada ogtihiinoo waxba ka qaadi mayso, suldaan xasana anagaa garab taagan’’

Ugu dambeyntii suldaanka subeer awal suldaan xasan waxaa uu u mahad celiyay dhamaanba cid kasta oo taageersan inuu yahay suldaanka guud ee beesha subeer awal waxaana hadaladiisa ka mid ahaa ‘’ Madaxdhaqameedkii waa kaa hadlay salaadiintii subeer awal cuqaashii mujaahidiintii odayaasha dhalinyarada iyo siyaasiyiintii, waxa kale oo xusid mudan, dhalinyarada baraha bulshada gudo iyo dibedba ka sameeyey taxriirka oo sawirka suldaankooda guud soo dhigtay facebook suldaan xasan ‘’

Waxaana suldaan xasan hadalkiisa sii raaciyay isagoo micneynaya sida saldanada loo helo iyo halka ay saldhig u tahay waxaana uu yidhi ‘’ Dhagax kastaba meeshaa la dhigo ayuu yaalaa, saladana waa abtirsatay, xeerbay leedahay, Xudun bay leedahay, xeerkeeda iyo xudunteeda waxa saldhigu ah wiil iyo walaalba waa lagu qaadaa, oo waa soo jireen silsiladda dheer, taasaan anna maanta idiinku duceynaya’’

Karin News
Hargaysa Office
contact@karinnews.com

 

LATEST NEWS